クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub

ページ番号:close

external-link copy
66 : 4

وَلَوۡ أَنَّا كَتَبۡنَا عَلَيۡهِمۡ أَنِ ٱقۡتُلُوٓاْ أَنفُسَكُمۡ أَوِ ٱخۡرُجُواْ مِن دِيَٰرِكُم مَّا فَعَلُوهُ إِلَّا قَلِيلٞ مِّنۡهُمۡۖ وَلَوۡ أَنَّهُمۡ فَعَلُواْ مَا يُوعَظُونَ بِهِۦ لَكَانَ خَيۡرٗا لَّهُمۡ وَأَشَدَّ تَثۡبِيتٗا

66. Haddaan ku faral yeeli laheynna (munaafiqinta): Dila nafahiinna ama ka baxa guryihiinna (sidaan ugu faral yeelnay reer banii Israa’iil) ma ay faleen sidaas in yar oo ka mid ah maahee. Hadday fali lahaayeenna waxa lagu waaniyo baa u roonaan laheyd, oo xoojin laheyd (iimaankooda); info
التفاسير:

external-link copy
67 : 4

وَإِذٗا لَّأٓتَيۡنَٰهُم مِّن لَّدُنَّآ أَجۡرًا عَظِيمٗا

67. Waxaan markaas ka siin laheyn Xaggayaga Ajar Weyn. info
التفاسير:

external-link copy
68 : 4

وَلَهَدَيۡنَٰهُمۡ صِرَٰطٗا مُّسۡتَقِيمٗا

68. Waxaana ku hanuunin laheyn Jid Toosan (Islaamka). info
التفاسير:

external-link copy
69 : 4

وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ فَأُوْلَٰٓئِكَ مَعَ ٱلَّذِينَ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِم مِّنَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ وَٱلصِّدِّيقِينَ وَٱلشُّهَدَآءِ وَٱلصَّٰلِحِينَۚ وَحَسُنَ أُوْلَٰٓئِكَ رَفِيقٗا

69. Qofkii adeeca Alle iyo Rasuulka (Nabi Muxammad), kuwaa waxay ahaan la jirka kuwa uu u nicmeeyey Alle, ee leh Nabiyada iyo run badnayaasha iyo shuhadada iyo wanaagsanayaalka, wanaagsanaana kuwaas oo lala noqdo rafiiq. info
التفاسير:

external-link copy
70 : 4

ذَٰلِكَ ٱلۡفَضۡلُ مِنَ ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ عَلِيمٗا

70. Kani waa Fadli xagga Alle ah, kuna Filan Alle inuu yahay wax kasta Oge. info
التفاسير:

external-link copy
71 : 4

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ خُذُواْ حِذۡرَكُمۡ فَٱنفِرُواْ ثُبَاتٍ أَوِ ٱنفِرُواْ جَمِيعٗا

71. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Qaata digtoonidiinna, oo u baxa (dagaalka) idinkoo koox koox ah, ama baxa oo duula giddigiin idinkoo wada jira. info
التفاسير:

external-link copy
72 : 4

وَإِنَّ مِنكُمۡ لَمَن لَّيُبَطِّئَنَّ فَإِنۡ أَصَٰبَتۡكُم مُّصِيبَةٞ قَالَ قَدۡ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَيَّ إِذۡ لَمۡ أَكُن مَّعَهُمۡ شَهِيدٗا

72. Waxaa idinka mid ah mid isagu dib idiin dhiga. Hadday idinku dhacdo musiibo yidhaahda: Alle waa iigu nicmeeyay in aanaan goob joog la ahayn. info
التفاسير:

external-link copy
73 : 4

وَلَئِنۡ أَصَٰبَكُمۡ فَضۡلٞ مِّنَ ٱللَّهِ لَيَقُولَنَّ كَأَن لَّمۡ تَكُنۢ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُۥ مَوَدَّةٞ يَٰلَيۡتَنِي كُنتُ مَعَهُمۡ فَأَفُوزَ فَوۡزًا عَظِيمٗا

73. Haddaad ka heshaan fadli xagga Alle, wuxuu odhan - sidiiyoo ayna idinka iyo isaga marnaba ka dhexeynin kalgacal: Alla aniguye! Haddaan la jiri lahaa, markaa waxaan liibaani lahaa liibaan weyn. info
التفاسير:

external-link copy
74 : 4

۞ فَلۡيُقَٰتِلۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ ٱلَّذِينَ يَشۡرُونَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا بِٱلۡأٓخِرَةِۚ وَمَن يُقَٰتِلۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَيُقۡتَلۡ أَوۡ يَغۡلِبۡ فَسَوۡفَ نُؤۡتِيهِ أَجۡرًا عَظِيمٗا

74. Ee ha ku dagaallamaan Jidka Alle kuwa iibsha nolosha adduunkan oo siista Aakhirada, qofkii u dagaallama Jidka Alle, markaa la dilo ama lib hela, waxaan siineynaa Ajar Weyn. info
التفاسير: