47. “Kum” halkan waxaa la yidhi waxaa loola jeedaa muslimiinta, sidoo kale waxaa la yidhi waxaa loola jeedaa gaalada mushrikiinta ah, gunta Aayaddana waxaa weeye in abaalgudka aakhiro aan lagu helin ididdiilo iyo iska rajeyn, laakiinse lagu helo iimaanka iyo sama falka.
48. Eeg Suuradda An-Nisaa Aayadda : 3.
49. Ee dhaxalka, idinkoo dooneyn inaad guursataan, una diidaya inay guursadaan rag kale damac idiinka jira maalkooda darteed, marka waa inaydaan sidaasi yeelin. Caadada Carabta waagii jaahiliyadda waxay ahayd in waliga uu xaq u leeyahay inuu guursado gabdhaha agoomaha ee mas’uulka uu ka yahay, iyo inuu xaq ku leeyahay maalkooda. Hadday qurxoon tahay wuu guursanayey, si uu wax uga qaato maalkeeda , haddayse fool xun tahay waa uu diidaa inay guursato nin kale si uu u hanto maalkeeda. Aayaddani waxay reebtay arrintaas.