Traduzione dei Significati del Sacro Corano - Traduzione somala - Abdullah Hasan Yaqub

Numero di pagina:close

external-link copy
45 : 27

وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمۡ صَٰلِحًا أَنِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ فَإِذَا هُمۡ فَرِيقَانِ يَخۡتَصِمُونَ

45. Waxaan u dirnay (reer) Thamuud walaalkood Saalix, wuxuu yidhi: Caabuda Alle (Keliya). Mise waxay noqdeen labo kooxood (gaalo iyo mu’miniin) doodaya13. info

13. Nabi Saalix c.s iyo qolodiisii.

التفاسير:

external-link copy
46 : 27

قَالَ يَٰقَوۡمِ لِمَ تَسۡتَعۡجِلُونَ بِٱلسَّيِّئَةِ قَبۡلَ ٱلۡحَسَنَةِۖ لَوۡلَا تَسۡتَغۡفِرُونَ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ

46. (Saalix) wuxuu yidhi: “Tolkaygiyow! Maxaad u doontaan in la idiin soo dedjiyo xumaan (cadaab) ka hor samaan14 (Naxariista Alle)? Maxaad uga dalbi weydeen Denbi Dhaaf Alle inuu idiin naxariisto? info

14. Iyagoo kula dooday Saalix inuu u keeno cadaabka uu ugu gooddiyey, halkii ay dalbi lahaayeen Naxariis Alle.

التفاسير:

external-link copy
47 : 27

قَالُواْ ٱطَّيَّرۡنَا بِكَ وَبِمَن مَّعَكَۚ قَالَ طَٰٓئِرُكُمۡ عِندَ ٱللَّهِۖ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٞ تُفۡتَنُونَ

47.Waxay yidhahdeen: Waan ku shareysan- nay adiga iyo kuwa kula jira. Wuxuu yidhi: "Waxa idinku dhaca (khayr ama shar) waa Alle agti15; waxaadse tihiin qolo la imtaxaanayo.” info

15. Qaddarka iyo qadahiisa.

التفاسير:

external-link copy
48 : 27

وَكَانَ فِي ٱلۡمَدِينَةِ تِسۡعَةُ رَهۡطٖ يُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا يُصۡلِحُونَ

48. Waxaa magaalada16 ku sugnaa sagaal nin17, ku fala fasahaad arlada aan wax hagaajin. info

16. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen waxaa loola jeedaa magaalada halkan magaaladii qolodii Thamuud, waana magaaladii Al-Xijir – dhadhaab.
17. Oo ahaa madaxdoodii iyo wiilasha ay dhaleen oo diinta colaadinayey.

التفاسير:

external-link copy
49 : 27

قَالُواْ تَقَاسَمُواْ بِٱللَّهِ لَنُبَيِّتَنَّهُۥ وَأَهۡلَهُۥ ثُمَّ لَنَقُولَنَّ لِوَلِيِّهِۦ مَا شَهِدۡنَا مَهۡلِكَ أَهۡلِهِۦ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ

49. Waxay yidhaahdeen: Isku dhaarsada Alle inaan ku qaadno weerar kedo ah (Saalix) iyo ehelkiisa goor habeen ah, markaas waxaan ku odhan xigtadiisa dhow18: Maa aanu joogin meeshuu ku halaagsamay ehelkiisu,run baynuna sheegi. info

18. Midka ay saaran tahay inuu fuliyo dardaarankiisa, oo leh diyadiisa.

التفاسير:

external-link copy
50 : 27

وَمَكَرُواْ مَكۡرٗا وَمَكَرۡنَا مَكۡرٗا وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ

50. Waxayna tabeeyeen tab, Annaguna waxaanu tabeennay tab, iyagoo aan dareemayn. info
التفاسير:

external-link copy
51 : 27

فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ مَكۡرِهِمۡ أَنَّا دَمَّرۡنَٰهُمۡ وَقَوۡمَهُمۡ أَجۡمَعِينَ

51. Ee fiiri siday aheyd cidhibtii tabtooda inaan baabbi’innay iyaga iyo dadkoodii oo dhan. info
التفاسير:

external-link copy
52 : 27

فَتِلۡكَ بُيُوتُهُمۡ خَاوِيَةَۢ بِمَا ظَلَمُوٓاْۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ

52. Waana kuwaas guryahoodii iyagoo maran oo burbur ku sugan dulmigoodii darti. Hubaal, arrinkaa waxaa ugu sugan calaamo ciddii wax garan. info
التفاسير:

external-link copy
53 : 27

وَأَنجَيۡنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَكَانُواْ يَتَّقُونَ

53. Waxaanu badbaaddinnay kuwii (xaqa) rumeeyey oo ka dhawrsanayey (shirkiga iyo macaasida). info
التفاسير:

external-link copy
54 : 27

وَلُوطًا إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ أَتَأۡتُونَ ٱلۡفَٰحِشَةَ وَأَنتُمۡ تُبۡصِرُونَ

54. (Waxaana dirnay) Luud markuu ku lahaa qolodiisii: Ma waxaad la imanaysaan faaxisho19 idinkoo arka20? info

19. Faaxishah wax xille oo foolxun waxaa halkan loola jeedaa zinada iyo ficilkii qoomu luud -Falalka khaniisnimada ah, iwm.
20. Si caddaan ah, tafsiir kale waa idinkoo ogsoon inay tahay denbi weyn.

التفاسير:

external-link copy
55 : 27

أَئِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلرِّجَالَ شَهۡوَةٗ مِّن دُونِ ٱلنِّسَآءِۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٞ تَجۡهَلُونَ

55. Ma waxaad u tageysaan ragga idinkoo u hawoonaya halkii haweenka? Waxaadse tihiin qolo jaahiliin ah aan garan (Weynida Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada). info
التفاسير: