Traduzione dei Significati del Sacro Corano - Traduzione somala - Abdullah Hasan Yaqub

external-link copy
258 : 2

أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِي حَآجَّ إِبۡرَٰهِـۧمَ فِي رَبِّهِۦٓ أَنۡ ءَاتَىٰهُ ٱللَّهُ ٱلۡمُلۡكَ إِذۡ قَالَ إِبۡرَٰهِـۧمُ رَبِّيَ ٱلَّذِي يُحۡيِۦ وَيُمِيتُ قَالَ أَنَا۠ أُحۡيِۦ وَأُمِيتُۖ قَالَ إِبۡرَٰهِـۧمُ فَإِنَّ ٱللَّهَ يَأۡتِي بِٱلشَّمۡسِ مِنَ ٱلۡمَشۡرِقِ فَأۡتِ بِهَا مِنَ ٱلۡمَغۡرِبِ فَبُهِتَ ٱلَّذِي كَفَرَۗ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ

258. Miyaadan u fiirsan kaa (Namruud) ee kala dooday Ibraahiim arrinka Rabbigi, inuu Alle siiyey boqortooyo darteed? Markuu Ibraahiim yidhi: Rabbigay waa Kan bixiya nolol ee sababa dhimasho. wuxuu yidhi: Aniguba waxaan bixiyaa nolol oo sababaa dhimasho77. Ibraahiim wuxuu yidhi: Alle wuxuu qorraxda ka soo saaraa xagga bari ee adigu ka soo saar xagga galbeed. Markaasuu kaa gaaloobay amakaag aamusay. Allena ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (madaxa adag). info

77. Nooleyn isagoo midna sii daayey midna dilay, wuxuuna sidaas u yidhi oo u yeelay ku jeesjees Ibraahiim c.s.

التفاسير: