21. Hadday saari lahaayeen reer Makkah Nabi Muxammad s.c.w. ma ku sii negaadeen Makkah oo wax badan ma joogeen dunida, balse Alle wuu halaagi lahaa dhammantood. Hijridii Nabiga s.c.w. ee Madiina ma ahayn saarid ay saareen Quraysh, waxayse ahayd Amar Alle uu ku amray. Ummad kasta oo saarta Nabigeeda Alle wuu halaagaa, taasina waa jid soo jireen ah aan marnaba is beddelin.
22. Aayaddan waxay caddeyneysaa waqtiyada shanta salaadood, cadceed wareegga kaddib waxaa la tukadaa Salaadaha Duhurka iyo Casarka, markuu habeenka soo galana Salaadaha Maghrib iyo Cishaha, ooggana salaadda Subax.
23. Waa duco Alle laga baryo inuu qofku ku galo cibaadada kagana baxo niyad san oo dar Alle ah oo Alle u barax tiran istus la’aan ama wax fasaadiya ajarka. Aayaddani waxay muujineysaa hijradii Nabiga s.c.w. ee Madiina. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Waa duco Alle laga baryo in qofka qabriga la geeyo isagoo wanaagsan oo ka soo baxo sidoo kale isagoo wanaagsan Maalinta Qiyaamaha. Wuxuu Nabigu s.c.w. ku duceystey ducadan markuu ka soo baxayey Makkah isagoo u haajiraya Madiina.
24. Oo keliya toban sano kaddib hirjadii Nabiga s.c.w., waxaa Makkah laga sifeeyey sannmadii ku hareersanaa Kacbada.