क़ुरआन के अर्थों का अनुवाद - सोमाली अनुवाद - अब्दुल्लाह हसन याक़ूब

पृष्ठ संख्या:close

external-link copy
8 : 17

عَسَىٰ رَبُّكُمۡ أَن يَرۡحَمَكُمۡۚ وَإِنۡ عُدتُّمۡ عُدۡنَاۚ وَجَعَلۡنَا جَهَنَّمَ لِلۡكَٰفِرِينَ حَصِيرًا

8. (Markaasuu Alle yidhi) waa intaasoo Rabbigiin idiin naxariisto (haddaad toobad keentaan), haddiise aad mar kale u noqotaan (xumo fal), waxaanu Annaguna sidoo kale u noqon (Ciqaabidda). Waxaana uga dhignay Jahannama gaalada gogol. info
التفاسير:

external-link copy
9 : 17

إِنَّ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانَ يَهۡدِي لِلَّتِي هِيَ أَقۡوَمُ وَيُبَشِّرُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٱلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أَنَّ لَهُمۡ أَجۡرٗا كَبِيرٗا

9. Qur’aankani wuxuu ku hanuunin dadka arrin tan u toosan, uguna bishaareyn mu’miniinta fala samaha inay leeyihiin Abaalgud Weyn (Janno). info
التفاسير:

external-link copy
10 : 17

وَأَنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ أَعۡتَدۡنَا لَهُمۡ عَذَابًا أَلِيمٗا

10. Kuwa se aan rumeynin Aakhirada, Waxaanu u diyaarinnay Cadaab xanuun badan. info
التفاسير:

external-link copy
11 : 17

وَيَدۡعُ ٱلۡإِنسَٰنُ بِٱلشَّرِّ دُعَآءَهُۥ بِٱلۡخَيۡرِۖ وَكَانَ ٱلۡإِنسَٰنُ عَجُولٗا

11. Wuxuu aadmigu u yeedhaa (baryaa) shar siduu ugu yeedho (baryo) khayr. Aadmiguna mar walba waa degdegaa6. info

6. Macnaha waxaa dhacda marmar inuu habaaro naftiisa ama ilmahaiisa ama dadka aad ugu dhow oo xigaaladiisa ah, sidoo kale waxaa la yidhi macnaha waa wuxuu Alle ka baryaa wuxuu moodo inuu khayr u yahay, ha yeeshee Alle og yahay inuu shar u yahay, sidaas awgeed uusan ka ajibiin ducada oo ka aqbalin baryadaa. Aadmiguna wuu degdeg badan yahay, macnaha waa samir yar yahay, laab kac badan yahay, oo wax ku dhaqaaqaa ka fiirsi la’aan qof uu Alle u naxariistay maahee. Aadmiga, si kasta uu isu kibriyo, weli waa daciif iyo abuurane yar.

التفاسير:

external-link copy
12 : 17

وَجَعَلۡنَا ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ ءَايَتَيۡنِۖ فَمَحَوۡنَآ ءَايَةَ ٱلَّيۡلِ وَجَعَلۡنَآ ءَايَةَ ٱلنَّهَارِ مُبۡصِرَةٗ لِّتَبۡتَغُواْ فَضۡلٗا مِّن رَّبِّكُمۡ وَلِتَعۡلَمُواْ عَدَدَ ٱلسِّنِينَ وَٱلۡحِسَابَۚ وَكُلَّ شَيۡءٖ فَصَّلۡنَٰهُ تَفۡصِيلٗا

12. Waxaan ka yeellay habeenka iyo maalinta labo calaamadood. Waxaana tirray calaamadda habeenka (ka dhignay mugdi), oo ka yeelnay calaamadda maalinta mid la arko oo muuqata, si aad ugu raadsataan deeqda Rabbigiin, iyo si aad u ogaataan tirada sanooyinka iyo xisaabta. Waxaana u caddaynay wax walba si faahfaahsan. info
التفاسير:

external-link copy
13 : 17

وَكُلَّ إِنسَٰنٍ أَلۡزَمۡنَٰهُ طَٰٓئِرَهُۥ فِي عُنُقِهِۦۖ وَنُخۡرِجُ لَهُۥ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ كِتَٰبٗا يَلۡقَىٰهُ مَنشُورًا

13. Qof walbaana waxaan laasiminnay camalkiisa (loo qoray) luquntiisa, Waxaana u soo saari Maalinta Qiyaamaha Kitaab uu la kulmi isagoo fidsan7. info

7. Mar nin baa weydiiyey Nabiga s.c.w. : Camal kee baa u wanaagsan? Wuxuu yidhi: Salaadda oo la tukado waqtigeeda hore. Wuxuu weydiiyey: Maxaa xiga? Wuxuu yidhi: U sama falka waalidka. Wuxuu weydiiyey: Maxaa xiga? Wuxuu yidhi: Jihaadka Jidka Alle. W.w. Al-Bukhaari

التفاسير:

external-link copy
14 : 17

ٱقۡرَأۡ كِتَٰبَكَ كَفَىٰ بِنَفۡسِكَ ٱلۡيَوۡمَ عَلَيۡكَ حَسِيبٗا

14. (Waxaa lagu odhan) Akhri Kitaabkaaga, adigaa isugu filan maanta xisaabiye ahaan. info
التفاسير:

external-link copy
15 : 17

مَّنِ ٱهۡتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهۡتَدِي لِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن ضَلَّ فَإِنَّمَا يَضِلُّ عَلَيۡهَاۚ وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٞ وِزۡرَ أُخۡرَىٰۗ وَمَا كُنَّا مُعَذِّبِينَ حَتَّىٰ نَبۡعَثَ رَسُولٗا

15. Qofkii hanuuna, wuxuu u hunuunay naftiisa. Kii lumaana8, wuxuu uun u lumay naftiisa. Mana qaaddo nafi, denbi naf kale, oo ma cadaabno cidna jeer aan soo dirno Rasuul (u diga). info

8. Kaddib markaan kala tusnay labada dhabbood kan khayrka iyo kan sharka, waxaan uga dhignay mas’uul kan uu dooran iyo ka talinta aayahiisa.

التفاسير:

external-link copy
16 : 17

وَإِذَآ أَرَدۡنَآ أَن نُّهۡلِكَ قَرۡيَةً أَمَرۡنَا مُتۡرَفِيهَا فَفَسَقُواْ فِيهَا فَحَقَّ عَلَيۡهَا ٱلۡقَوۡلُ فَدَمَّرۡنَٰهَا تَدۡمِيرٗا

16. Markaan doonnona inaan halaagno magaalo, Waxaan u dirnaa Amarkayaga kuwaa ka mid ah dadkeeda ee ladan (inay Alle adeecaan) markaasay ka hor yimaadaan oo diidaan, kolkaas baa xaq ugu dhacaa Qowlka (cadaabka) oo aan burburinnaa burburin dhan. info
التفاسير:

external-link copy
17 : 17

وَكَمۡ أَهۡلَكۡنَا مِنَ ٱلۡقُرُونِ مِنۢ بَعۡدِ نُوحٖۗ وَكَفَىٰ بِرَبِّكَ بِذُنُوبِ عِبَادِهِۦ خَبِيرَۢا بَصِيرٗا

17. Immisaanu halaagnay facyo Nuux ka dambow! Rabbigaa baana ku filan inuu yahay Kan denbiyada addoomihi Ogsoon ee Arka. info
التفاسير: