16. Hooyooyinkiin: sida hooyo, hooyo hooyadeed, ayeeyo hooyadeed, ku wad, gabadhahiinna : sida gabadha aad dhashay iyo wiilka aad dhashay gabadhi iyo gabadheed, ku wad,
17. Rabaa’ib gabdhaha xaasaskiinna ee gurigiinna jooga, waxay badi mufasiriinta qabaan inay sidoo kale soo galayaan rabaabita aan guryahooda joogin.
18. Islaamka ka hor. Kaddib markuu Alle soo dejiyey Aayaddan, waxaa la amray ragga inay sii daayaan dumarkaa aan xalaasha u aheyn sida xaaska aabbihi, hadduu isla qabo labo gabdhood oo walaalo ah waa inuu mid sii daayo, ama hadduu leeyahay xaasas tiro ahaan ka badan afar, waa inuu afar keliya ka doorto. Isla xukunkan oo kale baa saaran marka uu nin soo galo islaamka.
19. Ibnu Cabbaas a.k.r. wuxuu yidhi: Waxay toddobo ku xarrimantay xigto ahaan, toddobana xidid ahaan, sidoo kale cidda wax nuujisa iyo tan kula nuugta. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa ku reebban nuugmada naaska waxa ku reebban nasabka, waase inay ahaato shan nuugmo. Sidoo kale waxaa xaaraan ah guursiga haweeney la qabo.