Traducción de los significados del Sagrado Corán - Traducción Somalí - Abdullah Hassan Yaqub

external-link copy
77 : 18

فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَآ أَتَيَآ أَهۡلَ قَرۡيَةٍ ٱسۡتَطۡعَمَآ أَهۡلَهَا فَأَبَوۡاْ أَن يُضَيِّفُوهُمَا فَوَجَدَا فِيهَا جِدَارٗا يُرِيدُ أَن يَنقَضَّ فَأَقَامَهُۥۖ قَالَ لَوۡ شِئۡتَ لَتَّخَذۡتَ عَلَيۡهِ أَجۡرٗا

77. Way tageen jeer markay ku yimaadeen dad magaalo deggan, waxay weydiisteen cunno dadkeeda, wayse diideen inay marti sooraan18; markaasay waxay heleen gudaheeda gidaar dumi raba, markaasuu (Khadir) toosiyey. (Muuse) Wuxuu yidhi: Haddaad doonto, waxaad ku qaadan lahayd ujro. info

18. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro waa inuu wanaajiyo martidiisa, oo qofkii rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro waa inuu ka ilaaliyo dhib oo dhan jaarkiis, oo qofkii rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro waa inuu ku hadlo hadal wanaagsan oo khayr ah ama iska aamuso. (W.w. Abuu Daawuud)

التفاسير: