Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

external-link copy
38 : 9

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَا لَكُمۡ إِذَا قِيلَ لَكُمُ ٱنفِرُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ ٱثَّاقَلۡتُمۡ إِلَى ٱلۡأَرۡضِۚ أَرَضِيتُم بِٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا مِنَ ٱلۡأٓخِرَةِۚ فَمَا مَتَٰعُ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا فِي ٱلۡأٓخِرَةِ إِلَّا قَلِيلٌ

38. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maxaa idiinku wacan, in marka la idinku yidhaahdo: U soo baxa jihaadka Arrinka Alle aad isagu dhajisaan dhulka si culus? Ma waxaad ku raalli noqoteen nolosha adduunkan oo aad ka door biddeen Aakhirada? Ma aha raaxada noloshan adduunku marka la barbar dhigo Aakhirada waxaan ahayn wax yar.11 info

11. Anas bin Maalik a.k..r waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w. yidhi: “Ma jiro addoon dhinta ayna u taallo Alle agti kheyr oo jecel inuu u soo laabto adduunka iyadoo lagu siinayo adduunka iyo waxa yaal oo dhan marka laga reebo shahiidka, waxa uu arkayo darteed oo fadliga shahaadada ah, wuxuu jecleystaa inuu u soo laabto adduunka si loogu dilo mar kale Dar Alle. W.w Al-Bukhaari.

التفاسير: