Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Ad-daariq

external-link copy
1 : 86

وَٱلسَّمَآءِ وَٱلطَّارِقِ

1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay samada iyo Xiddigga guura. info
التفاسير:

external-link copy
2 : 86

وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلطَّارِقُ

2. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu xiddiga guura) yahay? info
التفاسير:

external-link copy
3 : 86

ٱلنَّجۡمُ ٱلثَّاقِبُ

3. Waa xiddiggaa iftiinka badan. info
التفاسير:

external-link copy
4 : 86

إِن كُلُّ نَفۡسٖ لَّمَّا عَلَيۡهَا حَافِظٞ

4. Ma jirto naf aanu kor joogin ilaaliye (malag). info
التفاسير:

external-link copy
5 : 86

فَلۡيَنظُرِ ٱلۡإِنسَٰنُ مِمَّ خُلِقَ

5. Ee ha fiiriyo qofka waxa laga abuuray. info
التفاسير:

external-link copy
6 : 86

خُلِقَ مِن مَّآءٖ دَافِقٖ

6. Waxaa laga abuuray biyo horay u soo booda. info
التفاسير:

external-link copy
7 : 86

يَخۡرُجُ مِنۢ بَيۡنِ ٱلصُّلۡبِ وَٱلتَّرَآئِبِ

7. Oo ka yimaada dhabarka iyo feeraha dhexdood, info
التفاسير:

external-link copy
8 : 86

إِنَّهُۥ عَلَىٰ رَجۡعِهِۦ لَقَادِرٞ

8. Hubaal (Alle) wuu Karaa inuu u soo celiyo nolosha (dhimasho kaddib). info
التفاسير:

external-link copy
9 : 86

يَوۡمَ تُبۡلَى ٱلسَّرَآئِرُ

9. Maalinta waxyaalaha qarsoon iyo siraha la soo bandhigi (xaqiiqdooda). info
التفاسير:

external-link copy
10 : 86

فَمَا لَهُۥ مِن قُوَّةٖ وَلَا نَاصِرٖ

10. Ma leh (gaalku Maalintaas) xoog ama wax u soo gargaara midna. info
التفاسير:

external-link copy
11 : 86

وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلرَّجۡعِ

11. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay cirka leh roobka soo noqnoqda. info
التفاسير:

external-link copy
12 : 86

وَٱلۡأَرۡضِ ذَاتِ ٱلصَّدۡعِ

12. Iyo dhulka dil-dillaaca badan (ee soo saara dhirta iyo daaqa), info
التفاسير:

external-link copy
13 : 86

إِنَّهُۥ لَقَوۡلٞ فَصۡلٞ

13. Kani (Qur'aanku) waa hadal dhab ah oo cad oo kala saara (xaqa iyo baadilka). info
التفاسير:

external-link copy
14 : 86

وَمَا هُوَ بِٱلۡهَزۡلِ

14. Oo ma aha dhayal (dheel). info
التفاسير:

external-link copy
15 : 86

إِنَّهُمۡ يَكِيدُونَ كَيۡدٗا

15. (Gaaladu) wax bay dhagri oo qorsheyn. info
التفاسير:

external-link copy
16 : 86

وَأَكِيدُ كَيۡدٗا

16. Aniguna (sidoo kale) Waxaan qorsheyn qorshe. info
التفاسير:

external-link copy
17 : 86

فَمَهِّلِ ٱلۡكَٰفِرِينَ أَمۡهِلۡهُمۡ رُوَيۡدَۢا

17. Ee u sug gaalada: Daa wax yar. info
التفاسير: