Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Page Number:close

external-link copy
11 : 70

يُبَصَّرُونَهُمۡۚ يَوَدُّ ٱلۡمُجۡرِمُ لَوۡ يَفۡتَدِي مِنۡ عَذَابِ يَوۡمِئِذِۭ بِبَنِيهِ

11. Wayse is arkayaan, denbiilahu wuxuu jeclaan inuu isaga furto Maalintaasi (Qiyaamada) cadaabka ilmahiisa. info
التفاسير:

external-link copy
12 : 70

وَصَٰحِبَتِهِۦ وَأَخِيهِ

12. Iyo xaaskiisa iyo walaalki. info
التفاسير:

external-link copy
13 : 70

وَفَصِيلَتِهِ ٱلَّتِي تُـٔۡوِيهِ

13. Iyo kuwa u xiga qaraabo ahaan ee siiya meeluu hoydo, info
التفاسير:

external-link copy
14 : 70

وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا ثُمَّ يُنجِيهِ

14. Iyo waxa dhulka ku sugan dhammaan markaas uu isagu badbaado. info
التفاسير:

external-link copy
15 : 70

كَلَّآۖ إِنَّهَا لَظَىٰ

15. Mayee! Hubaal waa Naar ololeysa. info
التفاسير:

external-link copy
16 : 70

نَزَّاعَةٗ لِّلشَّوَىٰ

16. Diiraneysa haragga Madaxa. info
التفاسير:

external-link copy
17 : 70

تَدۡعُواْ مَنۡ أَدۡبَرَ وَتَوَلَّىٰ

17. U yeedhi kan jeestay ee Xaqa diiday. info
التفاسير:

external-link copy
18 : 70

وَجَمَعَ فَأَوۡعَىٰٓ

18. Oo maal kulmiyey oo afka u xiray (wax ka bixin sadaqo ahaan). info
التفاسير:

external-link copy
19 : 70

۞ إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ خُلِقَ هَلُوعًا

19. Aadmigu waxaa lagu abuuray samir yaraan iyo degdegsiinyo. info
التفاسير:

external-link copy
20 : 70

إِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ جَزُوعٗا

20. Markuu dhib taabto wuu murugoodaa oo samir yar yahay. info
التفاسير:

external-link copy
21 : 70

وَإِذَا مَسَّهُ ٱلۡخَيۡرُ مَنُوعًا

21. Markuu khayr helana waa bakhayl (aan wax bixin). info
التفاسير:

external-link copy
22 : 70

إِلَّا ٱلۡمُصَلِّينَ

22. Kuwa salaadda tukada mooyaane. info
التفاسير:

external-link copy
23 : 70

ٱلَّذِينَ هُمۡ عَلَىٰ صَلَاتِهِمۡ دَآئِمُونَ

23. Ee ah kuwa salaaddooda daa’ima; info
التفاسير:

external-link copy
24 : 70

وَٱلَّذِينَ فِيٓ أَمۡوَٰلِهِمۡ حَقّٞ مَّعۡلُومٞ

24. Ee ah kuwa maalkooda uu ugu jiro qayb la yaqaan. info
التفاسير:

external-link copy
25 : 70

لِّلسَّآئِلِ وَٱلۡمَحۡرُومِ

25. Kan wax weydiista, iyo kan aan wax heysan. info
التفاسير:

external-link copy
26 : 70

وَٱلَّذِينَ يُصَدِّقُونَ بِيَوۡمِ ٱلدِّينِ

26. Ee ah kuwa rumeysan Maalinta jaazeynta (Qiyaamaha). info
التفاسير:

external-link copy
27 : 70

وَٱلَّذِينَ هُم مِّنۡ عَذَابِ رَبِّهِم مُّشۡفِقُونَ

27. Ee ah kuwa iyagu ka baqa cadaabka Rabbigood. info
التفاسير:

external-link copy
28 : 70

إِنَّ عَذَابَ رَبِّهِمۡ غَيۡرُ مَأۡمُونٖ

28. Hubaal Cadaabka Rabbigaa waa wax aan aamin laga aheyn. info
التفاسير:

external-link copy
29 : 70

وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِفُرُوجِهِمۡ حَٰفِظُونَ

29. Ee ah kuwa ilaaliya xubnahooda gaarka ah. info
التفاسير:

external-link copy
30 : 70

إِلَّا عَلَىٰٓ أَزۡوَٰجِهِمۡ أَوۡ مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُمۡ فَإِنَّهُمۡ غَيۡرُ مَلُومِينَ

30. Xagga xaasaskooda ma’ahee ama kuwa ay gacmahoodu midig hantaan (markaa) ma laha wax eed ah. info
التفاسير:

external-link copy
31 : 70

فَمَنِ ٱبۡتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡعَادُونَ

31. Kiise doona inuu intaas dabo maro, kuwaa weeye kuwa xadgudbayaasha ah. info
التفاسير:

external-link copy
32 : 70

وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِأَمَٰنَٰتِهِمۡ وَعَهۡدِهِمۡ رَٰعُونَ

32. Ee ah kuwaa ilaaliya ammaanooyinkoo- da iyo ballankooda; info
التفاسير:

external-link copy
33 : 70

وَٱلَّذِينَ هُم بِشَهَٰدَٰتِهِمۡ قَآئِمُونَ

33. Ee ah kuwaa iyagu si toosan u guta oo u fura maraggooda; info
التفاسير:

external-link copy
34 : 70

وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَلَىٰ صَلَاتِهِمۡ يُحَافِظُونَ

34. Ee ah kuwa xafida oo dhowra salaaddooda, info
التفاسير:

external-link copy
35 : 70

أُوْلَٰٓئِكَ فِي جَنَّٰتٖ مُّكۡرَمُونَ

35. Kuwaasi waxay geli Beeraha Jannada iyagoo sharfan. info
التفاسير:

external-link copy
36 : 70

فَمَالِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ قِبَلَكَ مُهۡطِعِينَ

36. Muxuuse arrinkoodu yahay kuwaa Xaqa diida waa iyaga u soo degdega hareerahaada’e. info
التفاسير:

external-link copy
37 : 70

عَنِ ٱلۡيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ عِزِينَ

37. Xagga midigta iyo bidixda koox koox u jooga? info
التفاسير:

external-link copy
38 : 70

أَيَطۡمَعُ كُلُّ ٱمۡرِيٕٖ مِّنۡهُمۡ أَن يُدۡخَلَ جَنَّةَ نَعِيمٖ

38. Ma wuxuu qof walba oo ka mid ahi damci in la geliyo Jannada barwaaqada ah? info
التفاسير:

external-link copy
39 : 70

كَلَّآۖ إِنَّا خَلَقۡنَٰهُم مِّمَّا يَعۡلَمُونَ

39. Mayee, Waxaan ka abuurnay waxay og yihiin (biyo liita oo haddana is kibriyaan). info
التفاسير:

external-link copy
40 : 70

فَلَآ أُقۡسِمُ بِرَبِّ ٱلۡمَشَٰرِقِ وَٱلۡمَغَٰرِبِ إِنَّا لَقَٰدِرُونَ

40. Mayee se! Waxaan ku dhaartay Rabbiga bariyada iyo galbeedyada (waa isla Alle'e oo naf ahaantiisa ku dhaaran) inaan Karno; info
التفاسير: