Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

external-link copy
152 : 6

وَلَا تَقۡرَبُواْ مَالَ ٱلۡيَتِيمِ إِلَّا بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُ حَتَّىٰ يَبۡلُغَ أَشُدَّهُۥۚ وَأَوۡفُواْ ٱلۡكَيۡلَ وَٱلۡمِيزَانَ بِٱلۡقِسۡطِۖ لَا نُكَلِّفُ نَفۡسًا إِلَّا وُسۡعَهَاۖ وَإِذَا قُلۡتُمۡ فَٱعۡدِلُواْ وَلَوۡ كَانَ ذَا قُرۡبَىٰۖ وَبِعَهۡدِ ٱللَّهِ أَوۡفُواْۚ ذَٰلِكُمۡ وَصَّىٰكُم بِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَذَكَّرُونَ

152. Ha u dhowaannina maalka agoonka sida u fiican maahee, jeer uu gaaro da’diisa tabar galka iyo xoogga; una oofiya si dhan beeggidda iyo miisaanka oo caddaalad ah - Ma saarno nafna waxaan ahayn karaankeeda; markaad hadleysaan ahaada caadil haba ahaatee qaraabo dhow (lidkeed), oofiyana Axdiga Alle; (arrin)kani buu idinku farad yeelay, inaad xusuusataan. info
التفاسير: