Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

external-link copy
15 : 48

سَيَقُولُ ٱلۡمُخَلَّفُونَ إِذَا ٱنطَلَقۡتُمۡ إِلَىٰ مَغَانِمَ لِتَأۡخُذُوهَا ذَرُونَا نَتَّبِعۡكُمۡۖ يُرِيدُونَ أَن يُبَدِّلُواْ كَلَٰمَ ٱللَّهِۚ قُل لَّن تَتَّبِعُونَا كَذَٰلِكُمۡ قَالَ ٱللَّهُ مِن قَبۡلُۖ فَسَيَقُولُونَ بَلۡ تَحۡسُدُونَنَاۚ بَلۡ كَانُواْ لَا يَفۡقَهُونَ إِلَّا قَلِيلٗا

15. Waxay kuwaasi ka haray (jihaadka) odhan: Markaad u baxeysaan si aad u soo qaadataan qaniimooyinka (Khaybar): Noo oggolaada inaan idin raacno. Waxay doonayaan inay beddelaan Hadalka Alle. Dheh: Marnaba nama raaceysaan. Sidaasuu Alle horay u yidhi. Markaa waxay odhan: Mayee’ waad na xasdeysaan.Waase kuwo aan wax fahmeyn in yar mooyee3. info

3. Ee diinta.Waa caado qaatayaal aan aqoon waxaan ahayn dheef adduunyo oo soori qaadday.

التفاسير: