Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Page Number:close

external-link copy
59 : 40

إِنَّ ٱلسَّاعَةَ لَأٓتِيَةٞ لَّا رَيۡبَ فِيهَا وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يُؤۡمِنُونَ

59. Hubaal Saacadda (Qiyaame) waa imaanaysaa, shaki kuma jiro, dadka badankiisuse ma ay rumaysna. info
التفاسير:

external-link copy
60 : 40

وَقَالَ رَبُّكُمُ ٱدۡعُونِيٓ أَسۡتَجِبۡ لَكُمۡۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَسۡتَكۡبِرُونَ عَنۡ عِبَادَتِي سَيَدۡخُلُونَ جَهَنَّمَ دَاخِرِينَ

60. (Allaah) Rabbigiin wuxuu yidhi: I barya11 waan idinka aqbaliye (baryada); hubaal kuwa iska weyneeya baryadeyda12, waxay geli Naar iyagoo dullaysan. info

11. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Barya Alle idinkoo yaqiinsan in la idinka aqbalayo baryada, oo ogaada inuusan Alle aqbalin baryada qof maahsan.
12. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Baryadu waa cibaado”.

التفاسير:

external-link copy
61 : 40

ٱللَّهُ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ لِتَسۡكُنُواْ فِيهِ وَٱلنَّهَارَ مُبۡصِرًاۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَذُو فَضۡلٍ عَلَى ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَشۡكُرُونَ

61. Alle waa Kan idiin yeelay habeenka inaad ku xasishaan, maalintana idiinka yeelay iftiin si aad wax u aragtaan. Alle waa u Roon yahay dadka, dadku badankooduse kuma mahdiyaan. info
التفاسير:

external-link copy
62 : 40

ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡ خَٰلِقُ كُلِّ شَيۡءٖ لَّآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ فَأَنَّىٰ تُؤۡفَكُونَ

62. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, Abuuraha wax walba, Ma jiro ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn. ee xaggee baa la idiinka iilay? info
التفاسير:

external-link copy
63 : 40

كَذَٰلِكَ يُؤۡفَكُ ٱلَّذِينَ كَانُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ يَجۡحَدُونَ

63. Sidaas oo kale baa loo iilay kuwii Aayadaha Alle dafiri jirey. info
التفاسير:

external-link copy
64 : 40

ٱللَّهُ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ قَرَارٗا وَٱلسَّمَآءَ بِنَآءٗ وَصَوَّرَكُمۡ فَأَحۡسَنَ صُوَرَكُمۡ وَرَزَقَكُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡۖ فَتَبَارَكَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

64. Alle waa kan idiinka dhigay dhulka meel aad degtaan, cirkana saqaf, oo idin suureeyey wanaajiyeyna suuradahiinna, oo idinku arsaaqay waxyaalo wanaagsan. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, ee waxaa khayr iyo barako badnaaday Allaah Rabbiga uumanka. info
التفاسير:

external-link copy
65 : 40

هُوَ ٱلۡحَيُّ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ فَٱدۡعُوهُ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَۗ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

65. Waa Noolaha Daa'inka ah. Ma jiro ilaah (Xaq) ah aan Isaga aheyn, ee barya idinkoo u Keli yeelaya cibaadada. Ammaan idilkeed waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka. info
التفاسير:

external-link copy
66 : 40

۞ قُلۡ إِنِّي نُهِيتُ أَنۡ أَعۡبُدَ ٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَمَّا جَآءَنِيَ ٱلۡبَيِّنَٰتُ مِن رَّبِّي وَأُمِرۡتُ أَنۡ أُسۡلِمَ لِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

66. Dheh: Aniga waa la iga reebay inaan caabudo kuwaad u yeedhataan (baridaan) Alle sokadi, markay xujooyin cad iiga yimaadeen xagga Rabbigay, waxaana la i amray inaan isu dhiibo (Allaah) Rabbiga uumanka. info
التفاسير: