Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

external-link copy
53 : 34

وَقَدۡ كَفَرُواْ بِهِۦ مِن قَبۡلُۖ وَيَقۡذِفُونَ بِٱلۡغَيۡبِ مِن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ

53. Waxay dhab ahaan horey23 ugu gaaloobeen (Xaqa), waxayna kaga sheegayeen been waxyaalaha aan muuqan ee Ghaybka ahaa xagga meel fog24. info

23. Noloshoodii hore ee arlada, ay ku heysteen fursad kasta, ha yeeshee hadda dhaaftay, waana fursad aan marnaba soo laabanayn.
24. Af ahaan, iyagoo wax iska mala awaalayey, oo inkirayey Xaqa sida Aakhirada, Naarta, Jannada, Iska soo bixinta qubuuraha, iwm.

التفاسير: