Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Page Number:close

external-link copy
39 : 29

وَقَٰرُونَ وَفِرۡعَوۡنَ وَهَٰمَٰنَۖ وَلَقَدۡ جَآءَهُم مُّوسَىٰ بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَٱسۡتَكۡبَرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا كَانُواْ سَٰبِقِينَ

39. Qaaruun, Fircoon iyo Haamaanna (waa la halaagay). Wuxuuna Muuse ula yimid Aayado cad cad, waxayse ku kibreen arlada, mana aheyn kuwo ka baxsan kara (Cadaabkayaga). info
التفاسير:

external-link copy
40 : 29

فَكُلًّا أَخَذۡنَا بِذَنۢبِهِۦۖ فَمِنۡهُم مَّنۡ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِ حَاصِبٗا وَمِنۡهُم مَّنۡ أَخَذَتۡهُ ٱلصَّيۡحَةُ وَمِنۡهُم مَّنۡ خَسَفۡنَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ وَمِنۡهُم مَّنۡ أَغۡرَقۡنَاۚ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيَظۡلِمَهُمۡ وَلَٰكِن كَانُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ

40. Mid walbaa (oo ka mid ah) waxaan ku qaadnay denbigiisa, waxaa ka mid ahaa kuwo aan u dirnay dabeyl daran (sida qoonkii Luud), waxaa ka mid ahaa kuwo uu qabsaday qarax weyn (sida Thamuud iyo qoonkii Shucayb), waxaa ka mid ahaa mid aan la goynay dhulka (Qaaruun); waxaana ka mid ahaa kuwo aan harqinnay (Qoonkii Nuux iyo Fircoon). Mana aheyn Alle inuu dulmiyey, iyagaase nafahooda dulminayay. info
التفاسير:

external-link copy
41 : 29

مَثَلُ ٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡلِيَآءَ كَمَثَلِ ٱلۡعَنكَبُوتِ ٱتَّخَذَتۡ بَيۡتٗاۖ وَإِنَّ أَوۡهَنَ ٱلۡبُيُوتِ لَبَيۡتُ ٱلۡعَنكَبُوتِۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ

41. Tusaalaha kuwa sameysta awliyo (ay caabudaan) Alle sokadi waa sida tusaalaha caadho taasoo yeelatay guri, waxaana ugu liita guryaha, guriga caadhada; hadday og yihiin. info
التفاسير:

external-link copy
42 : 29

إِنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا يَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦ مِن شَيۡءٖۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

42. Hubaal, Alle wuu ogsoon yahay waxay baryaan Isaga sokadi. Waa Adkaadaha Sare, Xakiimka ah. info
التفاسير:

external-link copy
43 : 29

وَتِلۡكَ ٱلۡأَمۡثَٰلُ نَضۡرِبُهَا لِلنَّاسِۖ وَمَا يَعۡقِلُهَآ إِلَّا ٱلۡعَٰلِمُونَ

43. Tusaalooyinkan waxaan u soo gudbinnaa dadka, cidise ma fahanto aan aheyn kuwa cilmiga leh. info
التفاسير:

external-link copy
44 : 29

خَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ

44. Alle wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamo mu'miniinta. info
التفاسير:

external-link copy
45 : 29

ٱتۡلُ مَآ أُوحِيَ إِلَيۡكَ مِنَ ٱلۡكِتَٰبِ وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَۖ إِنَّ ٱلصَّلَوٰةَ تَنۡهَىٰ عَنِ ٱلۡفَحۡشَآءِ وَٱلۡمُنكَرِۗ وَلَذِكۡرُ ٱللَّهِ أَكۡبَرُۗ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا تَصۡنَعُونَ

45. Akhri (Nabi Muxammadow) waxa laguu soo waxyooday oo ka mid ah Kitaabka (Qur’aanka), oogna salaadda. hubaal, salaaddu waxay ka reebtaa (qofka) xumaanta iyo munkarka (falalka la naco). Xusidda Alle baa xaqiiq weyn. Alle wuu Og yahay waxaad sameyneysaan. info
التفاسير: