Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

external-link copy
228 : 2

وَٱلۡمُطَلَّقَٰتُ يَتَرَبَّصۡنَ بِأَنفُسِهِنَّ ثَلَٰثَةَ قُرُوٓءٖۚ وَلَا يَحِلُّ لَهُنَّ أَن يَكۡتُمۡنَ مَا خَلَقَ ٱللَّهُ فِيٓ أَرۡحَامِهِنَّ إِن كُنَّ يُؤۡمِنَّ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۚ وَبُعُولَتُهُنَّ أَحَقُّ بِرَدِّهِنَّ فِي ذَٰلِكَ إِنۡ أَرَادُوٓاْ إِصۡلَٰحٗاۚ وَلَهُنَّ مِثۡلُ ٱلَّذِي عَلَيۡهِنَّ بِٱلۡمَعۡرُوفِۚ وَلِلرِّجَالِ عَلَيۡهِنَّ دَرَجَةٞۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ

228. Haweenka la furayna waa inay u sugaan (guursigooda) saddex xayl (ama ka daahiroobid dhiigga caadada), mana u bannaaana inay qariyaan wuxuu Alle ku abuuray riximyadooda, hadday rumeysan yihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro. Nimankoodaana u xaq leh inay soo ceshadaan muddadaas dhexdeeda, hadday rabaan heshiis; waxayna (haweenku) leeyihiin xuquuq inta lagu leeyahay oo kale oo si wanaagsan ah, nimankuse waxay dheer yihiin darajo (mas'uuliyad ah). Allena waa Adkaade, Xakiim ah. info
التفاسير: