Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

external-link copy
105 : 17

وَبِٱلۡحَقِّ أَنزَلۡنَٰهُ وَبِٱلۡحَقِّ نَزَلَۗ وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ إِلَّا مُبَشِّرٗا وَنَذِيرٗا

105. Xaq baana (Qur’aanka) ku soo dejinnay, Xaq buuna ku soo degay27. Kuumana aanu soo dirin (Nabiyow) waxaan aheyn inaad ahaato bishaareeye iyo dige ahaan. info

27. Ma jiro Qur’aanka wax iska hor imaanaya, mana ku jiro wax ka weecasho ah Xaqa.

التفاسير: