Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Page Number:close

external-link copy
119 : 16

ثُمَّ إِنَّ رَبَّكَ لِلَّذِينَ عَمِلُواْ ٱلسُّوٓءَ بِجَهَٰلَةٖ ثُمَّ تَابُواْ مِنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ وَأَصۡلَحُوٓاْ إِنَّ رَبَّكَ مِنۢ بَعۡدِهَا لَغَفُورٞ رَّحِيمٌ

119. Haddana Rabbigaa kuwa u fala xumaan jahli darti markaas tawbad keena taa kaddib oo samaada, Rabbigaa intaas kaddib, waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan. info
التفاسير:

external-link copy
120 : 16

إِنَّ إِبۡرَٰهِيمَ كَانَ أُمَّةٗ قَانِتٗا لِّلَّهِ حَنِيفٗا وَلَمۡ يَكُ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ

120. Hubaal Ibraahiim wuxuu ahaa hoggaamiye lagu daydo29, adeeca Alle, ka leexsan (diimaha gurracan oo dhan), mana aheyn mid ka mid ah Mushrikiinta. info

29. Waa leh dhammaan tilmaamaha wanaagsan ee ka yeeli karta qofka tusaale lagu daydo uu wax ku hoggaamiyo.

التفاسير:

external-link copy
121 : 16

شَاكِرٗا لِّأَنۡعُمِهِۚ ٱجۡتَبَىٰهُ وَهَدَىٰهُ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ

121. Ka mahad naqa Nicmooyika Alle. (Alle) baa doortay oo ku hanuuniyey Jid Toosan (Islaamka). info
التفاسير:

external-link copy
122 : 16

وَءَاتَيۡنَٰهُ فِي ٱلدُّنۡيَا حَسَنَةٗۖ وَإِنَّهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ لَمِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ

122.Waxaanu ku siinnay samaan adduunka. Aakhiradana wuxuu hubaal ka mid ahaan inta wanaagsan. info
التفاسير:

external-link copy
123 : 16

ثُمَّ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ أَنِ ٱتَّبِعۡ مِلَّةَ إِبۡرَٰهِيمَ حَنِيفٗاۖ وَمَا كَانَ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ

123. Markaas Waxaanu kuu waxyoonnay (Nabi Muxammadow): Raac diinta ibraahiim ee toosan, kamana mid aheyn Mushrikiinta. info
التفاسير:

external-link copy
124 : 16

إِنَّمَا جُعِلَ ٱلسَّبۡتُ عَلَى ٱلَّذِينَ ٱخۡتَلَفُواْ فِيهِۚ وَإِنَّ رَبَّكَ لَيَحۡكُمُ بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ

124. Sabtida waxaa uun sideedaba loo waajib yeelay kuwii isku khilaafay arrinkeeda30, Rabbigaana wuu kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafayeen. info

30. Waxaa loo yeelay maalinta Sabtida: waxaa loola jeedaa waxaa la faray inay la yimaadaan cibaado badan, iyo camallo wanaagsan oo iska daayaan maalintaas xoogsiga iyo maceeshad raadinta, kamase soo bixin, wayna isku khilaafeen, kaddibna waxaa lagu nasakhay shareecadii Nabi Ciise c.s. ee ka dambeeyey Muuse c.s.,. ugu dambeyn wuxuu Alle ku hanuunshay maalinta abbaarta ah muslimiinta oo waa maalinta Jumcaha. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaan leennahay innaga Muslimiinta ah Jumcaha, Yuhuuddana maalintooda waa Sabtida, Nasaaraduna Axadda, Annaga ayaa u horreyna, iyaguna waa naga dambeeyaan. Waxaannu nahay ummad tii u dambeysey ummadaha, waxaannuse ahaan ummadda u horreysa ee gasha Jannada.

التفاسير:

external-link copy
125 : 16

ٱدۡعُ إِلَىٰ سَبِيلِ رَبِّكَ بِٱلۡحِكۡمَةِ وَٱلۡمَوۡعِظَةِ ٱلۡحَسَنَةِۖ وَجَٰدِلۡهُم بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُهۡتَدِينَ

125. Ugu baaqa (dadka) Jidka Rabbigaa si xikmad leh iyo waano wanaagsan, oo ula dood sida ugu fiican. Rabbigaa wuu Og yahay kuwa ka luma Jidkiisa, wuuna Og yahay kuwa hanuunsan. info
التفاسير:

external-link copy
126 : 16

وَإِنۡ عَاقَبۡتُمۡ فَعَاقِبُواْ بِمِثۡلِ مَا عُوقِبۡتُم بِهِۦۖ وَلَئِن صَبَرۡتُمۡ لَهُوَ خَيۡرٞ لِّلصَّٰبِرِينَ

126. Haddaad aar goosaneysaanna, aar goosta in la mid ah intii la idiin geystey oo kale, haddaadse samartaan, sidaasaa u wanaagsan kuwa samra. info
التفاسير:

external-link copy
127 : 16

وَٱصۡبِرۡ وَمَا صَبۡرُكَ إِلَّا بِٱللَّهِۚ وَلَا تَحۡزَنۡ عَلَيۡهِمۡ وَلَا تَكُ فِي ضَيۡقٖ مِّمَّا يَمۡكُرُونَ

127. Samir, mana aha samirkaagu waxaan aheyn (wax lagu helo kaalmada) Alle. Oo ha u murugoon, hana ka welwelin waxay xume qoolaan oo dabin dhigaan. info
التفاسير:

external-link copy
128 : 16

إِنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَواْ وَّٱلَّذِينَ هُم مُّحۡسِنُونَ

128. Hubaal Alle wuxuu la jiraa kuwa iska jira (xumaha, dhowra Amarradiisa) ee ah sama falayaasha. info
التفاسير: