Übersetzung der Bedeutungen von dem heiligen Quran - Die Übersetzung in Somali - Abdullah Hasan Yaqub

Nummer der Seite:close

external-link copy
131 : 7

فَإِذَا جَآءَتۡهُمُ ٱلۡحَسَنَةُ قَالُواْ لَنَا هَٰذِهِۦۖ وَإِن تُصِبۡهُمۡ سَيِّئَةٞ يَطَّيَّرُواْ بِمُوسَىٰ وَمَن مَّعَهُۥٓۗ أَلَآ إِنَّمَا طَٰٓئِرُهُمۡ عِندَ ٱللَّهِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ

131. Markay samaan u timaaddo, waxay yidhaahdaan: Innagaa leh tani. Haddii (xaalad) xun ku dhacdona, waxay baaseystaan Muuse iyo kuwa la jira. Ogaada, nasiibkooda, waxaa haya Alle oo keliya, badankooduse ma ogsoona. info
التفاسير:

external-link copy
132 : 7

وَقَالُواْ مَهۡمَا تَأۡتِنَا بِهِۦ مِنۡ ءَايَةٖ لِّتَسۡحَرَنَا بِهَا فَمَا نَحۡنُ لَكَ بِمُؤۡمِنِينَ

132. Waxayna yidhaahdeen: Wax kastoo calaamo ah aad noola timaaddo si aad noogu sixirto, innagu kuma rumeyneyno. info
التفاسير:

external-link copy
133 : 7

فَأَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمُ ٱلطُّوفَانَ وَٱلۡجَرَادَ وَٱلۡقُمَّلَ وَٱلضَّفَادِعَ وَٱلدَّمَ ءَايَٰتٖ مُّفَصَّلَٰتٖ فَٱسۡتَكۡبَرُواْ وَكَانُواْ قَوۡمٗا مُّجۡرِمِينَ

133. Markaasaan ku soo dirnay dushooda: daad (qaada oo keena dhimasho baahsan), iyo ayax iyo injiro iyo rah iyo dhiig, calaamooyin cad ahaan, wayse isweyneeyeen, waxayna ahaayeen qolo denbiilayaal ah. info
التفاسير:

external-link copy
134 : 7

وَلَمَّا وَقَعَ عَلَيۡهِمُ ٱلرِّجۡزُ قَالُواْ يَٰمُوسَى ٱدۡعُ لَنَا رَبَّكَ بِمَا عَهِدَ عِندَكَۖ لَئِن كَشَفۡتَ عَنَّا ٱلرِّجۡزَ لَنُؤۡمِنَنَّ لَكَ وَلَنُرۡسِلَنَّ مَعَكَ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ

134. Markuu daacuunku ku dhacayna waxay yidhaahdeen: Muusow! Noo bari Rabbigaa wuxuu kugula ballamay darteed. Haddaad daacuunka naga kor qaaddo, waanu ku rumayn, waxaana kugu dari Ilmaha Israa’iil. info
التفاسير:

external-link copy
135 : 7

فَلَمَّا كَشَفۡنَا عَنۡهُمُ ٱلرِّجۡزَ إِلَىٰٓ أَجَلٍ هُم بَٰلِغُوهُ إِذَا هُمۡ يَنكُثُونَ

135. Markiise aan ka kor qaadnay daacuunka ilaa muddo go’an oo ay aheyd inay gaadhaan, bay markaas ka baxeen ballanka. info
التفاسير:

external-link copy
136 : 7

فَٱنتَقَمۡنَا مِنۡهُمۡ فَأَغۡرَقۡنَٰهُمۡ فِي ٱلۡيَمِّ بِأَنَّهُمۡ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا وَكَانُواْ عَنۡهَا غَٰفِلِينَ

136. Markaasaan ka aargudannay oo aan ku harqinnay badda, waayo waxay beeniyeen Aayadahayaga, waxayna ahaayeen kuwo ka dhoohan. info
التفاسير:

external-link copy
137 : 7

وَأَوۡرَثۡنَا ٱلۡقَوۡمَ ٱلَّذِينَ كَانُواْ يُسۡتَضۡعَفُونَ مَشَٰرِقَ ٱلۡأَرۡضِ وَمَغَٰرِبَهَا ٱلَّتِي بَٰرَكۡنَا فِيهَاۖ وَتَمَّتۡ كَلِمَتُ رَبِّكَ ٱلۡحُسۡنَىٰ عَلَىٰ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ بِمَا صَبَرُواْۖ وَدَمَّرۡنَا مَا كَانَ يَصۡنَعُ فِرۡعَوۡنُ وَقَوۡمُهُۥ وَمَا كَانُواْ يَعۡرِشُونَ

137. Waxaana dhaxalsiinnay qolodii loo arkay kuwo tabar daran gobollada bari ee dhulka iyo kuwa galbeedba ee aan barakaynay1. Kelmadda wanaagsan ee Rabbigaana waa loo oofiyey Ilmahii Israa’iil, samirkoodii awgi iyo u dul qaadashadoodii (dhibaatooyinka). Waxaana baabbi'nnay waxay Fircoon iyo qolodiisii sameeyeen iyo waxay dhismooyin taageenba2. info

1. Suuriya, Masar iyo magaalooyinka hareerahooda ah uu Fircoon xukumayey, waxaa dhaxlay Ilmihii Israa'iil kaddib markii ay dhaceen masaarida dawladahoodii.
2. Ee lagu dhisay xoogga ilmihii Israa'ill sida magaalada Ramsiis, iyo taalladdii uu ku dhisay Haamaan amarka Fircoon.

التفاسير: