Übersetzung der Bedeutungen von dem heiligen Quran - Die Übersetzung in Somali - Abdullah Hasan Yaqub

Nummer der Seite:close

external-link copy
89 : 10

قَالَ قَدۡ أُجِيبَت دَّعۡوَتُكُمَا فَٱسۡتَقِيمَا وَلَا تَتَّبِعَآنِّ سَبِيلَ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَ

89. (Alle) wuxuu yidhi: Baryadiinna waa la idinka aqbalay21. Ee idinku haya jidka toosan (ee Islaamka) hana raacina jidka kuwa aan wax ogeyn. info

21. Macnaha ducada labadoodaba, waxaa loola jeedaa tii Muuse, iyo Haaruun oo ku biiray isagoo lahaa Aamiin. (Allow naga aqbal).

التفاسير:

external-link copy
90 : 10

۞ وَجَٰوَزۡنَا بِبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱلۡبَحۡرَ فَأَتۡبَعَهُمۡ فِرۡعَوۡنُ وَجُنُودُهُۥ بَغۡيٗا وَعَدۡوًاۖ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَدۡرَكَهُ ٱلۡغَرَقُ قَالَ ءَامَنتُ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱلَّذِيٓ ءَامَنَتۡ بِهِۦ بَنُوٓاْ إِسۡرَٰٓءِيلَ وَأَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ

90. Waxaan ka gudbinnay Ilmahii Israa’iil badda, markaasaa waxaa soo raacdeystey Fircoon iyo ciidamadiisa gardarro (dulmi) iyo cadaawad darteed; markuuse haraqu haleelay, wuxuu (Fircoon) yidhi: Waxaan rumeeyey inuusan jirin ilaah (xaq ah) aan aheyn kay rumeeyeen Ilamahii Israa’iil, aniguna waxaan ka mid ahay Muslimiinta. info
التفاسير:

external-link copy
91 : 10

ءَآلۡـَٰٔنَ وَقَدۡ عَصَيۡتَ قَبۡلُ وَكُنتَ مِنَ ٱلۡمُفۡسِدِينَ

91. Ma imminka! adigoo hore u caasiyey, oo ka mid ahayd Mufsidiinta. info
التفاسير:

external-link copy
92 : 10

فَٱلۡيَوۡمَ نُنَجِّيكَ بِبَدَنِكَ لِتَكُونَ لِمَنۡ خَلۡفَكَ ءَايَةٗۚ وَإِنَّ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلنَّاسِ عَنۡ ءَايَٰتِنَا لَغَٰفِلُونَ

92. Maanta Waxaanu badbaaadin jirkaaga 22si aad ugu noqoto calaamo kuwa kaa dambeeya. Intooda badanse dadku Aayadahayaga way ka dhoohan yihiin. info

22. Wuxuu Alle badbaadiyey Fircoon jirkiisii.Taariikhyahannada waxay yidhaahdaan: Markuu Alle harqiyey Fircoon, waxaa laga helay jirkiisa xeebta badda, waxaa helay masriyiintii wayna xafidaan ilaa hadda, wuxuuna yaal matxaf ku yaal Masar. Eeg suuradda Al-Baqara (Q2: 50)

التفاسير:

external-link copy
93 : 10

وَلَقَدۡ بَوَّأۡنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ مُبَوَّأَ صِدۡقٖ وَرَزَقۡنَٰهُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ فَمَا ٱخۡتَلَفُواْ حَتَّىٰ جَآءَهُمُ ٱلۡعِلۡمُۚ إِنَّ رَبَّكَ يَقۡضِي بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ

93. Waxaana dejinnay Ilmahii Israa’iil degaan khayr oo ku irsaaqnay waxyaalo wanaagsan, ismana ay khilaafin jeer uu climigu u yimid; hubaal Rabbigaa wuu u kala garsoori dhexdooda maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafeen. info
التفاسير:

external-link copy
94 : 10

فَإِن كُنتَ فِي شَكّٖ مِّمَّآ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ فَسۡـَٔلِ ٱلَّذِينَ يَقۡرَءُونَ ٱلۡكِتَٰبَ مِن قَبۡلِكَۚ لَقَدۡ جَآءَكَ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُمۡتَرِينَ

94. Haddaad ka shakisan tahay (Nabiyow) waxaan kuu soo waxyoonnay23, weydii kuwa akhriya Kitaabka (Towraadda) adiga hortaa. Waxaa kaaga yimid Xaq xagga Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabeenka. info

23. Waxaa ka mid ah tafsiirka labada Aayadood ee dambe, in loola jeedo inay qiiro kiciyaan Nabiga s,c.w. inuu caddeeyo oo muujiyo sugnaantiisa, taas uu falay isagoo yidhi shaki ma qabo, mana weydiinayo. Tafsiir kale waa in inkastoo ereyadaa ay ku socdaan Nabiga s.c.w., waxay haddana dhab ahaan ku socdaan oo ku wajahan yihiin dadka oo dhan.

التفاسير:

external-link copy
95 : 10

وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ فَتَكُونَ مِنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ

95. Hana ka mid noqon kuwa beeniya Aayadaha Alle, waayo markaas waxaad ka mid ahaaneysaa kuwa khasaaray. info
التفاسير:

external-link copy
96 : 10

إِنَّ ٱلَّذِينَ حَقَّتۡ عَلَيۡهِمۡ كَلِمَتُ رَبِّكَ لَا يُؤۡمِنُونَ

96. Kuwa ay ku rumowday Kelmadda Rabbigaa (ee cadaabka), ma rumaynayaan. info
التفاسير:

external-link copy
97 : 10

وَلَوۡ جَآءَتۡهُمۡ كُلُّ ءَايَةٍ حَتَّىٰ يَرَوُاْ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ

97. Xataa hadday calaamo kasta u timaaddo jeeray arkaan Cadaabka Xanuunka Badan. info
التفاسير: