Prijevod značenja časnog Kur'ana - Prijevod na somalski jezik - Abdullah Hasan Jakub

Alfatx

external-link copy
1 : 48

إِنَّا فَتَحۡنَا لَكَ فَتۡحٗا مُّبِينٗا

1. Waxaanu ku siinnay (Nabi Muxammadow) guul cad.1 info

1. Al-Fatax: Furashada ama Guusha. Waxaana loola jeedaa heshiiskii Al-Xudaybiyah ee sababta u ahaa furashada Makkah iyo magaalooyin kaleba.

التفاسير:

external-link copy
2 : 48

لِّيَغۡفِرَ لَكَ ٱللَّهُ مَا تَقَدَّمَ مِن ذَنۢبِكَ وَمَا تَأَخَّرَ وَيُتِمَّ نِعۡمَتَهُۥ عَلَيۡكَ وَيَهۡدِيَكَ صِرَٰطٗا مُّسۡتَقِيمٗا

2. Si uu Alle kuugu dhaafo wixii horay kaaga dhacay oo denbi ah, iyo waxa dib kaaga dhici karaba, kuuguna dhammaysti- ro Nicmaddiisa, oo kuugu hanuuniyo Tub Toosan. info
التفاسير:

external-link copy
3 : 48

وَيَنصُرَكَ ٱللَّهُ نَصۡرًا عَزِيزًا

3. Oo kuu gargaaro Alle gargaar weyn. info
التفاسير:

external-link copy
4 : 48

هُوَ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ ٱلسَّكِينَةَ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ لِيَزۡدَادُوٓاْ إِيمَٰنٗا مَّعَ إِيمَٰنِهِمۡۗ وَلِلَّهِ جُنُودُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمٗا

4. Alle waa Kan ku soo dejiyey xasillooni quluubta mu’miniinta, si ay iimaan ugu siyaadsadaan iimaankoodii; Alle baana iska leh ciidammada samooyinka iyo arlada. Allena waa wax kasta Oge, Xakiim ah. info
التفاسير:

external-link copy
5 : 48

لِّيُدۡخِلَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا وَيُكَفِّرَ عَنۡهُمۡ سَيِّـَٔاتِهِمۡۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عِندَ ٱللَّهِ فَوۡزًا عَظِيمٗا

5. Si uu u geliyo mu’miniinta iyo mu’minoo- yinka jannooyin (beero) ay webiyo hoos qul-qulaan iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood, oo uga tirtiro xume falkooda, (arrin)kaasina Alle agtiis waa Liibaan Weyn info
التفاسير:

external-link copy
6 : 48

وَيُعَذِّبَ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقَٰتِ وَٱلۡمُشۡرِكِينَ وَٱلۡمُشۡرِكَٰتِ ٱلظَّآنِّينَ بِٱللَّهِ ظَنَّ ٱلسَّوۡءِۚ عَلَيۡهِمۡ دَآئِرَةُ ٱلسَّوۡءِۖ وَغَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡ وَلَعَنَهُمۡ وَأَعَدَّ لَهُمۡ جَهَنَّمَۖ وَسَآءَتۡ مَصِيرٗا

6. Iyo si uu u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka ee ku maleeya malaha xun Alle, xumaanta korkooda ha ku wareegto, Allena ha u cadhoodo, hana naclado, wuxuuna u diyaariyey Naar - oo u xun meel la ahaado. info
التفاسير:

external-link copy
7 : 48

وَلِلَّهِ جُنُودُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًا

7. Allaah baana leh ciidammada samooyinka iyo arlada. Alle waa Adkaade, Xakiim ah. info
التفاسير:

external-link copy
8 : 48

إِنَّآ أَرۡسَلۡنَٰكَ شَٰهِدٗا وَمُبَشِّرٗا وَنَذِيرٗا

8. Annagaa (waa Alle'e) kuu soo dirnay (Nabi Muxammadow) inaad ahaato markhaati, bishaareeye, iyo digeba. info
التفاسير:

external-link copy
9 : 48

لِّتُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَتُعَزِّرُوهُ وَتُوَقِّرُوهُۚ وَتُسَبِّحُوهُ بُكۡرَةٗ وَأَصِيلًا

9. Si aad (dadow) u rumeysaan Alle iyo Rasuulkiisa oo ugu gargaartaan oo aad u qaddarisaan, iyo inaad xurmo weyneysaan oo ugu tasbiixsataan subax iyo galabba. info
التفاسير: