Prijevod značenja časnog Kur'ana - Prijevod na somalski jezik - Abdullah Hasan Jakub

external-link copy
92 : 10

فَٱلۡيَوۡمَ نُنَجِّيكَ بِبَدَنِكَ لِتَكُونَ لِمَنۡ خَلۡفَكَ ءَايَةٗۚ وَإِنَّ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلنَّاسِ عَنۡ ءَايَٰتِنَا لَغَٰفِلُونَ

92. Maanta Waxaanu badbaaadin jirkaaga 22si aad ugu noqoto calaamo kuwa kaa dambeeya. Intooda badanse dadku Aayadahayaga way ka dhoohan yihiin. info

22. Wuxuu Alle badbaadiyey Fircoon jirkiisii.Taariikhyahannada waxay yidhaahdaan: Markuu Alle harqiyey Fircoon, waxaa laga helay jirkiisa xeebta badda, maxaa yeelay Fircoon wuu argagaxay reer Banii Israa’iil. Waxaad ogtihiin in marka uu qofku jiro qof uu ka cabsado inuusan qalbigiisu xasileyn ilaa uu arko isaga oo halaagsamay oo dhintay mooyee, maxaa yeelay shaydaanku waxa uu qalbigiisa gelin karaa in Fircoon fakaday, Fircoonna uu idiin soo noqon doono Banii Israa’iilow. Marka hadalkiisa: (kuwa idinka dambeeya) wuxuu ula jeedaa: reer banii Israa'iil, sidaa awgeed waxba kama jiraan inay meydkiisa heleen masriyiintii oo ay xafidaan ilaa hadda, iyadoo la sheego inuu yaal matxaf ku yaal Masar. Waa been arrinkaasi aan waxba ka jirin ee lagu dago dadka makasta ah.

التفاسير: