আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব

পৃষ্ঠা নং:close

external-link copy
19 : 74

فَقُتِلَ كَيۡفَ قَدَّرَ

19. Nacaladi ha ku dhacdee! Siduu wax u qorsheeyey. info
التفاسير:

external-link copy
20 : 74

ثُمَّ قُتِلَ كَيۡفَ قَدَّرَ

20. Misna, nacladi ha ku dhacdee, siduu wax u qorsheeyey. info
التفاسير:

external-link copy
21 : 74

ثُمَّ نَظَرَ

21. Kaddib wuu eegay; info
التفاسير:

external-link copy
22 : 74

ثُمَّ عَبَسَ وَبَسَرَ

22. Markaasuu wejiga kaduuday oo soo uruuriyey. info
التفاسير:

external-link copy
23 : 74

ثُمَّ أَدۡبَرَ وَٱسۡتَكۡبَرَ

23. Haddana dhabarka jeediyey oo is kibriyay; info
التفاسير:

external-link copy
24 : 74

فَقَالَ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ يُؤۡثَرُ

24. Wuxuu yidhi: Kani (Qur'aanka) wax kale maahee waa sixir laga soo minguuriyey kuwo kale. info
التفاسير:

external-link copy
25 : 74

إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا قَوۡلُ ٱلۡبَشَرِ

25. Kanu (Qur'aanku) ma aha waxaan aheyn hadal Aadmi. info
التفاسير:

external-link copy
26 : 74

سَأُصۡلِيهِ سَقَرَ

26. Waxaan galin kaasi Saqaro (Naar). info
التفاسير:

external-link copy
27 : 74

وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا سَقَرُ

27. Maxaad ka og tahay waxay Saqaro tahay? info
التفاسير:

external-link copy
28 : 74

لَا تُبۡقِي وَلَا تَذَرُ

28. Ma reebto (hilib iyo laf midna) waxnana kama tagto. info
التفاسير:

external-link copy
29 : 74

لَوَّاحَةٞ لِّلۡبَشَرِ

29. Waxay doorisaa jirka oo gubtaa. info
التفاسير:

external-link copy
30 : 74

عَلَيۡهَا تِسۡعَةَ عَشَرَ

30. Waxaa kor jooga sagaal iyo toban (malag oo adadag). info
التفاسير:

external-link copy
31 : 74

وَمَا جَعَلۡنَآ أَصۡحَٰبَ ٱلنَّارِ إِلَّا مَلَٰٓئِكَةٗۖ وَمَا جَعَلۡنَا عِدَّتَهُمۡ إِلَّا فِتۡنَةٗ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ لِيَسۡتَيۡقِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ وَيَزۡدَادَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِيمَٰنٗا وَلَا يَرۡتَابَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَ وَلِيَقُولَ ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ وَٱلۡكَٰفِرُونَ مَاذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِهَٰذَا مَثَلٗاۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِي مَن يَشَآءُۚ وَمَا يَعۡلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَۚ وَمَا هِيَ إِلَّا ذِكۡرَىٰ لِلۡبَشَرِ

31. Kama aanu yeelin waardiyada Naarta waxaan ahayn malaa'ig, umana aanu yeelin tiradooda waxaan ahayn imtixaan ahaan gaalada - si ay ehlu Kitaabku u yaqiinsadaan (Xaq ahaanta Islaamka), mu’miniintuna u kororsadaan Iimaan - oo aanay kuwaa ehlu Kitaabka ah iyo mu’miniinta u shakiyin, iyo in kuwaa uu quluubtoodu ku jiro cudur iyo gaalada (mushrikiinta ah) u yidhaahdaan: Muxuu Alle ugala jeedaa tusaalahan? Sidaasuu Alle u lumiyaa qofkuu doono, oo u hanuuniyaa qofkuu doono. Ma jiro wax og ciidammada (Alle) Rabbigaa Isaga maahee. Waxan la soo sheegayna ma aha waxaan aheyn waano ku socota dadka. info
التفاسير:

external-link copy
32 : 74

كَلَّا وَٱلۡقَمَرِ

32. Mayee, waxaan ku dhaartay dayaxa, info
التفاسير:

external-link copy
33 : 74

وَٱلَّيۡلِ إِذۡ أَدۡبَرَ

33. Iyo habeenka markuu tago. info
التفاسير:

external-link copy
34 : 74

وَٱلصُّبۡحِ إِذَآ أَسۡفَرَ

34. Iyo waagu markuu caddaado. info
التفاسير:

external-link copy
35 : 74

إِنَّهَا لَإِحۡدَى ٱلۡكُبَرِ

35. Hubaal iyadu (Naartu) waa mid ka mid ah balaayooyinka waaweyn. info
التفاسير:

external-link copy
36 : 74

نَذِيرٗا لِّلۡبَشَرِ

36. Digniin u ah dadka. info
التفاسير:

external-link copy
37 : 74

لِمَن شَآءَ مِنكُمۡ أَن يَتَقَدَّمَ أَوۡ يَتَأَخَّرَ

37. Qofkii doona inuu ku hormaro (camallo san) ama dib ugu haro (xume fal), info
التفاسير:

external-link copy
38 : 74

كُلُّ نَفۡسِۭ بِمَا كَسَبَتۡ رَهِينَةٌ

38. Naf walbaa waxaa loogu heystaa curaar waxay kasbato. info
التفاسير:

external-link copy
39 : 74

إِلَّآ أَصۡحَٰبَ ٱلۡيَمِينِ

39. Qolada midigta maahee. info
التفاسير:

external-link copy
40 : 74

فِي جَنَّٰتٖ يَتَسَآءَلُونَ

40. Jannooyin (beero gudahood) waxay iska wareysan, info
التفاسير:

external-link copy
41 : 74

عَنِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ

41. Xaalka denbiilayaasha: info
التفاسير:

external-link copy
42 : 74

مَا سَلَكَكُمۡ فِي سَقَرَ

42. Maxaa idin keenay Naarta Saqaro? info
التفاسير:

external-link copy
43 : 74

قَالُواْ لَمۡ نَكُ مِنَ ٱلۡمُصَلِّينَ

43. Waxay odhan: Kama aynu mid aheyn kuwa tukada. info
التفاسير:

external-link copy
44 : 74

وَلَمۡ نَكُ نُطۡعِمُ ٱلۡمِسۡكِينَ

44. Mana aannaan aheyn kuwo quudiya miskiinka; info
التفاسير:

external-link copy
45 : 74

وَكُنَّا نَخُوضُ مَعَ ٱلۡخَآئِضِينَ

45. Waxaanu ahayn kuwo la dhumbada waxyaalo been ahoo aan jirin iyo xumaan kuwa dhumbada. info
التفاسير:

external-link copy
46 : 74

وَكُنَّا نُكَذِّبُ بِيَوۡمِ ٱلدِّينِ

46. Waxaanu ahayn kuwa beeniya Maalinta abaal marinta (jaazeynta). info
التفاسير:

external-link copy
47 : 74

حَتَّىٰٓ أَتَىٰنَا ٱلۡيَقِينُ

47. Jeer ay noo timid yaqiinta la hubo (geeridu). info
التفاسير: