আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব

পৃষ্ঠা নং:close

external-link copy
28 : 54

وَنَبِّئۡهُمۡ أَنَّ ٱلۡمَآءَ قِسۡمَةُۢ بَيۡنَهُمۡۖ كُلُّ شِرۡبٖ مُّحۡتَضَرٞ

28. U sheeg in biyuhu yihiin qayb iyo kaltan dhexdooda ah, mid walbaa leeyahay cabbid maalin gaar ah. info
التفاسير:

external-link copy
29 : 54

فَنَادَوۡاْ صَاحِبَهُمۡ فَتَعَاطَىٰ فَعَقَرَ

29. Waxayse u dhawaaqeen saaxiibkood (habaar qabe Qudaar) oo soo qaatay (seef) oo boqna gooyey hashii (oo dilay). info
التفاسير:

external-link copy
30 : 54

فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ

30. Ee Sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii. info
التفاسير:

external-link copy
31 : 54

إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ فَكَانُواْ كَهَشِيمِ ٱلۡمُحۡتَظِرِ

31. Waxaan ku soo dirnay dushooda Qeylo keliya, markaasay waxay noqdeen sida jabad burburay ee dhulka laga xaaqo. info
التفاسير:

external-link copy
32 : 54

وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ

32. Waxaanu sahalnay Qur'aanka si loo xusuusto, mase jiraa mid ku waantoobi? info
التفاسير:

external-link copy
33 : 54

كَذَّبَتۡ قَوۡمُ لُوطِۭ بِٱلنُّذُرِ

33. Qoonkii Luud baa beeniyey digniinihii. info
التفاسير:

external-link copy
34 : 54

إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ حَاصِبًا إِلَّآ ءَالَ لُوطٖۖ نَّجَّيۡنَٰهُم بِسَحَرٖ

34. Waxaan ku dirnay dushooda dabeyl dhagaxyo wadata Reer Luud ma’ahee, waan badbaadinnay waaberiga hortiis. info
التفاسير:

external-link copy
35 : 54

نِّعۡمَةٗ مِّنۡ عِندِنَاۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي مَن شَكَرَ

35. Nicmo Xaggayaga ah, sidaasoo kale baan u abaal marinnaa kan (Alle ku) shukriya (af, uur iyo addinba). info
التفاسير:

external-link copy
36 : 54

وَلَقَدۡ أَنذَرَهُم بَطۡشَتَنَا فَتَمَارَوۡاْ بِٱلنُّذُرِ

36. Wuxuu (Luud) uga digay qolodiisii Qabashadayada daran, wayse ka doodeen oo shakiyeen digniinihii. info
التفاسير:

external-link copy
37 : 54

وَلَقَدۡ رَٰوَدُوهُ عَن ضَيۡفِهِۦ فَطَمَسۡنَآ أَعۡيُنَهُمۡ فَذُوقُواْ عَذَابِي وَنُذُرِ

37. Oo waxay dooneen inay martidiisii (faro xumeeyaan) markaasaan indha tirray ee dhadhamiya cadaabkeyga iyo digniinaheyga. info
التفاسير:

external-link copy
38 : 54

وَلَقَدۡ صَبَّحَهُم بُكۡرَةً عَذَابٞ مُّسۡتَقِرّٞ

38. Waxaana ku waabariistay aroortiiba cadaab sugan. info
التفاسير:

external-link copy
39 : 54

فَذُوقُواْ عَذَابِي وَنُذُرِ

39. Ee dhadhamiya Cadaabkeyga iyo Digniinaheyga. info
التفاسير:

external-link copy
40 : 54

وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ

40. Waxaanu sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa mid ku waantoobi? info
التفاسير:

external-link copy
41 : 54

وَلَقَدۡ جَآءَ ءَالَ فِرۡعَوۡنَ ٱلنُّذُرُ

41. Waxaa u yimid qoladii Fircoon digniino. info
التفاسير:

external-link copy
42 : 54

كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا كُلِّهَا فَأَخَذۡنَٰهُمۡ أَخۡذَ عَزِيزٖ مُّقۡتَدِرٍ

42. Waxay beeniyeen Aayadahayagii oo dhan, markaasaan qabannay Qabasho Awood Badane, Karaan Badan. info
التفاسير:

external-link copy
43 : 54

أَكُفَّارُكُمۡ خَيۡرٞ مِّنۡ أُوْلَٰٓئِكُمۡ أَمۡ لَكُم بَرَآءَةٞ فِي ٱلزُّبُرِ

43. Ma gaaladiinnan baa ka khayr badan kuwaas mise waxaad heysataan cafis idiinku qoran Kutabahayaga? info
التفاسير:

external-link copy
44 : 54

أَمۡ يَقُولُونَ نَحۡنُ جَمِيعٞ مُّنتَصِرٞ

44. Mise waxay leeyihiin: Waxaanu nahay ciidan dhan oo guuleysan. info
التفاسير:

external-link copy
45 : 54

سَيُهۡزَمُ ٱلۡجَمۡعُ وَيُوَلُّونَ ٱلدُّبُرَ

45. Waa la jabin ciidankooda, dabadayna jeedin. info
التفاسير:

external-link copy
46 : 54

بَلِ ٱلسَّاعَةُ مَوۡعِدُهُمۡ وَٱلسَّاعَةُ أَدۡهَىٰ وَأَمَرُّ

46. Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo kharaar. info
التفاسير:

external-link copy
47 : 54

إِنَّ ٱلۡمُجۡرِمِينَ فِي ضَلَٰلٖ وَسُعُرٖ

47. Kuwa denbiilayaasha ah waxay ku sugan yihiin habow (adduunka), Aakhirona dhex ahaan dab ololaya. info
التفاسير:

external-link copy
48 : 54

يَوۡمَ يُسۡحَبُونَ فِي ٱلنَّارِ عَلَىٰ وُجُوهِهِمۡ ذُوقُواْ مَسَّ سَقَرَ

48. Maalinka marka wejiyadooda lagu dhex jiidi Naarta (waxaa lagu odhan): Dhadhamiya taabashada Naarta. info
التفاسير:

external-link copy
49 : 54

إِنَّا كُلَّ شَيۡءٍ خَلَقۡنَٰهُ بِقَدَرٖ

49.Waxaan ku abuurnay wax kasta Qaddar. info
التفاسير: