আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব

Al-qamar

external-link copy
1 : 54

ٱقۡتَرَبَتِ ٱلسَّاعَةُ وَٱنشَقَّ ٱلۡقَمَرُ

1. Saacadda (Qiyaame) way soo dhowaatay, dayaxiina wuxuu u kala dhanbalmay labo gabal2. info

1. Al-Qamar: Dayaxa.
2. Tani waxay aheyd calaamo mucjisad ah uu Alle siiyey Nabi Muxammad s.c.w. markay Quraysh ka dalbeen inuu tusiyo mucjiso.

التفاسير:

external-link copy
2 : 54

وَإِن يَرَوۡاْ ءَايَةٗ يُعۡرِضُواْ وَيَقُولُواْ سِحۡرٞ مُّسۡتَمِرّٞ

2. Hadday (gaaladu) arkaan mucjiso (xag Alle ah) waxay u jeestaan dhinac oo yidhaahdaan: Waa sixir is daba taxan. info
التفاسير:

external-link copy
3 : 54

وَكَذَّبُواْ وَٱتَّبَعُوٓاْ أَهۡوَآءَهُمۡۚ وَكُلُّ أَمۡرٖ مُّسۡتَقِرّٞ

3. Waxay beeniyeen (Xaqa) oo raaceen hawadooda. Arrin kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado. info
التفاسير:

external-link copy
4 : 54

وَلَقَدۡ جَآءَهُم مِّنَ ٱلۡأَنۢبَآءِ مَا فِيهِ مُزۡدَجَرٌ

4. Waxaana dhab ahaan u yimid warar ku dheehan waano (iyo digniino). info
التفاسير:

external-link copy
5 : 54

حِكۡمَةُۢ بَٰلِغَةٞۖ فَمَا تُغۡنِ ٱلنُّذُرُ

5. Xikmad xeel dheer; maxayse u tartaa digidi (xaq diid). info
التفاسير:

external-link copy
6 : 54

فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡۘ يَوۡمَ يَدۡعُ ٱلدَّاعِ إِلَىٰ شَيۡءٖ نُّكُرٍ

6. Ee iskaga jeeso (Nabi Muxammadow); (oo dhowr) Maalinka uu baaquhu ugu baaqi wax daran3. info

3. Waxaa la yidhi waa malag ugu yeedhi dadka xisaab iyo garsoor.

التفاسير: