আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব

পৃষ্ঠা নং:close

external-link copy
52 : 37

يَقُولُ أَءِنَّكَ لَمِنَ ٱلۡمُصَدِّقِينَ

52. Kaasoo odhan jiray: Ma waxaad ka mid tahay kuwa rumeysan (soo bixinta Qiyaame)? info
التفاسير:

external-link copy
53 : 37

أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَدِينُونَ

53.Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa nala abaal marin?. info
التفاسير:

external-link copy
54 : 37

قَالَ هَلۡ أَنتُم مُّطَّلِعُونَ

54. Wuxuu odhan: Ma ila dhuganeysaan? info
التفاسير:

external-link copy
55 : 37

فَٱطَّلَعَ فَرَءَاهُ فِي سَوَآءِ ٱلۡجَحِيمِ

55. Markaasuu dhugtaa oo ku arkaa Naarta bartankeeda. info
التفاسير:

external-link copy
56 : 37

قَالَ تَٱللَّهِ إِن كِدتَّ لَتُرۡدِينِ

56. Wuxuu odhan: Tallaahi! Waxaad sigtay inaad i halaagto (i dhumiso). info
التفاسير:

external-link copy
57 : 37

وَلَوۡلَا نِعۡمَةُ رَبِّي لَكُنتُ مِنَ ٱلۡمُحۡضَرِينَ

57. Haddayna jirin Nicmadda Rabbigay, waxaan ka mid ahaan lahaa kuwa la soo keenayo (Naarta). info
التفاسير:

external-link copy
58 : 37

أَفَمَا نَحۡنُ بِمَيِّتِينَ

58. Ma nihin miyaa kuwo dhiman. info
التفاسير:

external-link copy
59 : 37

إِلَّا مَوۡتَتَنَا ٱلۡأُولَىٰ وَمَا نَحۡنُ بِمُعَذَّبِينَ

59. Dhimashadayadii hore mooyaane? mana layna cadaabayo? info
التفاسير:

external-link copy
60 : 37

إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ

60. Hubaal (arrin)kani waa Liibaanta Weyn. info
التفاسير:

external-link copy
61 : 37

لِمِثۡلِ هَٰذَا فَلۡيَعۡمَلِ ٱلۡعَٰمِلُونَ

61. Ee (arrin)kanoo kale ha u camal fashaan kuwa camal fali. info
التفاسير:

external-link copy
62 : 37

أَذَٰلِكَ خَيۡرٞ نُّزُلًا أَمۡ شَجَرَةُ ٱلزَّقُّومِ

62. Ma (arrin)kani (Jannada) baa marti- qaad wanaagsan mise geedka Zaquum. info
التفاسير:

external-link copy
63 : 37

إِنَّا جَعَلۡنَٰهَا فِتۡنَةٗ لِّلظَّٰلِمِينَ

63. Waxaanu Annagu uga dhignay fidno (imtixaan) daalimiinta (gar diidka ah). info
التفاسير:

external-link copy
64 : 37

إِنَّهَا شَجَرَةٞ تَخۡرُجُ فِيٓ أَصۡلِ ٱلۡجَحِيمِ

64.Waa geed ka soo baxa Naarta salkeeda, info
التفاسير:

external-link copy
65 : 37

طَلۡعُهَا كَأَنَّهُۥ رُءُوسُ ٱلشَّيَٰطِينِ

65. Miraheeda la moodo madaxyada shaydaammada; info
التفاسير:

external-link copy
66 : 37

فَإِنَّهُمۡ لَأٓكِلُونَ مِنۡهَا فَمَالِـُٔونَ مِنۡهَا ٱلۡبُطُونَ

66. Waxay (ehlu naarku) wax ka cuni (geedkaa) oo ka buuxin caloolahooda. info
التفاسير:

external-link copy
67 : 37

ثُمَّ إِنَّ لَهُمۡ عَلَيۡهَا لَشَوۡبٗا مِّنۡ حَمِيمٖ

67. Waxay leeyihiin intaa kaddib cabbitaan isku dhaf kulul ah oo karaya. info
التفاسير:

external-link copy
68 : 37

ثُمَّ إِنَّ مَرۡجِعَهُمۡ لَإِلَى ٱلۡجَحِيمِ

68. Markaa waxay ku noqon xagga Naarta holaca badan. info
التفاسير:

external-link copy
69 : 37

إِنَّهُمۡ أَلۡفَوۡاْ ءَابَآءَهُمۡ ضَآلِّينَ

69. Waxay heleen aabbayaashood oo habowsan. info
التفاسير:

external-link copy
70 : 37

فَهُمۡ عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِمۡ يُهۡرَعُونَ

70. Iyaguna raadkoodii bay ku degdegi. info
التفاسير:

external-link copy
71 : 37

وَلَقَدۡ ضَلَّ قَبۡلَهُمۡ أَكۡثَرُ ٱلۡأَوَّلِينَ

71. Waxaana dhab ahaan lumay iyaga hortood badi dadkii hore. info
التفاسير:

external-link copy
72 : 37

وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا فِيهِم مُّنذِرِينَ

72. Waxaana dhab ahaan u dirnay digayaal. info
التفاسير:

external-link copy
73 : 37

فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُنذَرِينَ

73. Ee eeg siday aheyd cidhibta kuwii loo digay (aanse waansamin). info
التفاسير:

external-link copy
74 : 37

إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ

74. Addoommaha Alle ee daacadda ah maahee u Keli yeela cibaadada (kuwaa dhib ma arkaan). info
التفاسير:

external-link copy
75 : 37

وَلَقَدۡ نَادَىٰنَا نُوحٞ فَلَنِعۡمَ ٱلۡمُجِيبُونَ

75. Waxaana dhab ahaan noo dhawaaqday Nuux, Annagaana u fiican wax ajiiba (baryada). info
التفاسير:

external-link copy
76 : 37

وَنَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥ مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ

76. Waxaana ka badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba kurbaddii weynd (haraqii). info
التفاسير: