আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব

As-saafaat

external-link copy
1 : 37

وَٱلصَّٰٓفَّٰتِ صَفّٗا

1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay (malaa’igta) safta safafka siman. info
التفاسير:

external-link copy
2 : 37

فَٱلزَّٰجِرَٰتِ زَجۡرٗا

2. Iyo (malaa’igta) soo kaxeeya (daruuraha) soo kaxeyn. info
التفاسير:

external-link copy
3 : 37

فَٱلتَّٰلِيَٰتِ ذِكۡرًا

3. Iyo (malaa’igta) akhriya (Qur’aanka) 1. info

1. Alle s.w.t. wuxuu ku dhaartay malaa’igtaa, wuxuuna ku dhaartay xaqiiqda lagu xusay Aayadda xigta.

التفاسير:

external-link copy
4 : 37

إِنَّ إِلَٰهَكُمۡ لَوَٰحِدٞ

4.Hubaal Ilaahiinnu (Runta ahi) waa Mid keliya (Allaah). info
التفاسير:

external-link copy
5 : 37

رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا وَرَبُّ ٱلۡمَشَٰرِقِ

5. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, iyo Rabbiga bariyada2. info

2. Xagal kasta ama meelaha ay ka soo baxdo qorraxda.

التفاسير:

external-link copy
6 : 37

إِنَّا زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِزِينَةٍ ٱلۡكَوَاكِبِ

6. Waxaanu ku qurxinnay samada soke qurux xiddigaha ah3. info

3. Xiddigaha waxaa loo abuuray seddex waxyaalood: in lagu gano shayaadiinta, in lagu tilmaan qaato oo lagu garto jihooyinka iyo qurux ahaan samada soke.

التفاسير:

external-link copy
7 : 37

وَحِفۡظٗا مِّن كُلِّ شَيۡطَٰنٖ مَّارِدٖ

7. Iyo ka ilaalin shaydaan walboo fallaago ah ee Naxariis (Alle) laga fogeeyey. info
التفاسير:

external-link copy
8 : 37

لَّا يَسَّمَّعُونَ إِلَى ٱلۡمَلَإِ ٱلۡأَعۡلَىٰ وَيُقۡذَفُونَ مِن كُلِّ جَانِبٖ

8. Ma dhegaysan karaan (shayaadiinta) kulanka sare (ee malaa’igta samada) waxaana laga soo ganaa dhan kasta. info
التفاسير:

external-link copy
9 : 37

دُحُورٗاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٞ وَاصِبٌ

9. Iyagoo (Shayaadiintaa) la soo eryey, waxayna leeyihiin cadaab joogto ah. info
التفاسير:

external-link copy
10 : 37

إِلَّا مَنۡ خَطِفَ ٱلۡخَطۡفَةَ فَأَتۡبَعَهُۥ شِهَابٞ ثَاقِبٞ

10. Marka laga reebo mid mid dafa (hadal uu ka maqlay samada), markaasaa waxaa laga daba geeyaa danab dab ololya ah. info
التفاسير:

external-link copy
11 : 37

فَٱسۡتَفۡتِهِمۡ أَهُمۡ أَشَدُّ خَلۡقًا أَم مَّنۡ خَلَقۡنَآۚ إِنَّا خَلَقۡنَٰهُم مِّن طِينٖ لَّازِبِۭ

11. Ee weydii (gaalada) ma iyagaa abuur adag mise waxaa (kale sida malaa’igta, samooyinka, iyo arlada) ee aan abuurnay?. Waxaanu ka abuurnay (dadka) dhoobo dhagta. info
التفاسير:

external-link copy
12 : 37

بَلۡ عَجِبۡتَ وَيَسۡخَرُونَ

12. Waxaadse la yaabtaa (beenintooda Xaqa), iyaguna way iska jees-jeesi. info
التفاسير:

external-link copy
13 : 37

وَإِذَا ذُكِّرُواْ لَا يَذۡكُرُونَ

13. Marka la waaniyona ma waantoobaan. info
التفاسير:

external-link copy
14 : 37

وَإِذَا رَأَوۡاْ ءَايَةٗ يَسۡتَسۡخِرُونَ

14. Markay arkaanna Calaamo (mucjizo) way ku jees-jeesaan. info
التفاسير:

external-link copy
15 : 37

وَقَالُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّبِينٌ

15. Waxayna yidhaahdaan: Waxa kanu ma aha waxaan ahayn sixir cad. info
التفاسير:

external-link copy
16 : 37

أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ

16. Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa nala soo bixin? info
التفاسير:

external-link copy
17 : 37

أَوَءَابَآؤُنَا ٱلۡأَوَّلُونَ

17. Iyo aabbayaashayadii hore (iyagana ma la so bixin dhimasho kaddib)?. info
التفاسير:

external-link copy
18 : 37

قُلۡ نَعَمۡ وَأَنتُمۡ دَٰخِرُونَ

18. Dheh: Haah, idinkoo waliba dulleysan. info
التفاسير:

external-link copy
19 : 37

فَإِنَّمَا هِيَ زَجۡرَةٞ وَٰحِدَةٞ فَإِذَا هُمۡ يَنظُرُونَ

19. Waa uun afuuf mar keliya ah (buunka), markaasay (ka soo bixi qubuuraha) iyagoo wax eegi. info
التفاسير:

external-link copy
20 : 37

وَقَالُواْ يَٰوَيۡلَنَا هَٰذَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ

20. Waxayna odhan: Hoog baa noo sug -naadaye! Kanu waa Maalinka Jaazeynta. info
التفاسير:

external-link copy
21 : 37

هَٰذَا يَوۡمُ ٱلۡفَصۡلِ ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ

21. Kani waa Maalinka kala baxa ee aad beenin jirteen. info
التفاسير:

external-link copy
22 : 37

۞ ٱحۡشُرُواْ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ وَأَزۡوَٰجَهُمۡ وَمَا كَانُواْ يَعۡبُدُونَ

22. (Malaa'igay), soo kulmiya kuwii dulmi falka ahaa iyo eynigoodii4 iyo waxay caabudi jireen. info

4. Tafsiir kale waa xaasaskooda ama kuwa aan xaqa raacin ee la midka ah.

التفاسير:

external-link copy
23 : 37

مِن دُونِ ٱللَّهِ فَٱهۡدُوهُمۡ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلۡجَحِيمِ

23. Alle sokadi, oo u taxaaba Naarta ololka badan. info
التفاسير:

external-link copy
24 : 37

وَقِفُوهُمۡۖ إِنَّهُم مَّسۡـُٔولُونَ

24. Joojiya, wax baa la weydiine (oo lagu qiri). info
التفاسير: