26. Markuu Alle yeelay kuwa gaaloobay quluubtooda ficilo - ficiladii waqtigii jaahiliyada - Wuxuuse Alle ku soo dejiyey xasilloonidiisa Rasuulkiisa iyo mu’miniinta, waafajiyeyna ku sugnaanta Ereyga dhowrsashada8, waxayna ahaayeen kuwo mudan oo ehelkeed ah. Alle wax walba waa Og yahay.
8. Kelmedda taqwada, waxaa loola jeedaa kelmedda Towxiidka, oo ah in Allaah loo gaar iyo gooni yeelo cibaadada.
27. Alle wuu u rumeeyey Rasuulkiisa riyada si dhab ah: waxaad gali Masjidka Xaramka hadduu Alle idmo idinkoo aamin ah, (qaar) timaha ay xiidhan, (qaar kalena) ay gaabsan idinkoo aan cabsi qabin9, Wuxuu Og yahay wax aydaan idinku ogeyn, markaasuu (gelitaanka Makka) ka sokow keenay furasho dhow (Heshiikii Xudaybyah).