1. Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: "Ma galo janno qof qaraabo goys ah".
2. Caddaalada waxaa loola jeedaa waxay u baahan tahay xaaska xagga masruufka, marashada, degaanka iyo hoyaadka, gogosha, iwm ee arrimaha muuqda ama qarsoon.
3. Islaamku wuu banneeyey guursiga wax ka badan hal xaas, wuxuuse ku xiray shuruud ay ka mid yihiin inuu qof u leeyahay awood inuu dhaqi karo oo dhaqaale u heysto, iyo inuu ogaado cadaaladda. Ka hor inta ayan soo degin Aayaddan way jirtay guursiga wax hal xaas ka badan , waxay xitaa anbiyo Alle isla guursadeen dumar aad u baan oo boqollaal gaara, Aayaddanse waxay oggolaatay inuu qofka guursan karo oo keliya ilaa afar xaas hadduu ka soo bixi karo shuruudda lagu xiray guursiga wax hal xaas ka badan.
4. Addoon iyo addoonsiga sidan ah ma jiro waqtigan bal waa laga mamnuucay caalamka, oo waxay jirtay waayihii hore.
5. Makas, waxaa halkan loola jeedaa agoonka aan qaan gaarin ama qofka aan si fiican u maamuli karin maalkiisa. Inkastoo uu yahay maalkooda, Alle wuxuu ka dhigay wadar isagoo ina xusuusinaya in maalka oo dhan uu Isagu yahay kan bixiyey si loogu daryeelo ummadda wadar iyo waaxidba.