17. U samir (adkeyso) waxay leeyihiin, xusuusona addoonkayaga Daawuud, ee xoogga iyo kartida lahaa. Wuxuu ahaa mid (Alle) u soo noqda, tawbad keen badan .
22. U soo galeen Daawuud, markaasuu (is)ku naxay; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan! (waxaanu nahay) labo dood qabta, uu midkayo ku gardarrooday midka kale, sidaa darteed noogu kala garsoor si caddaalad ah, iskana jir gar eexo, oo nagu hanuuni jidka toosan (xaqa).
26. Daawuudow! Waxaan kaaga dhignay taliye dhulka, ee ku kala xukun dadka si xaq ah, hana raacin hawadaada - si ayan kaaga lumin Jidka Alle (Islaamka). Kuwa ka luma Jidka Alle waxay leeyihiin cadaab daran, illowgooda Maalinta Xisaabta (Qiyaamada) darteed.