2. Wuxuu Ogyahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa iyo waxa ka soo dega samada iyo waxa kor ugu baxa. Waana Naxariis Badanaha, Denbi Dhaafka Badan.
3. Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: "Nooma imaaneyso Saacadda (Qiyaame). Dheh: "Haayoo, Waa igu Rabbigay, way idiin iman. (Alle waa) Ogsoonaha waxa aan muuqan ee qarsoon". Kama qarsoona wax saxar le’eg (ama qudhaanjo) oo samada ama arlada yaal ama wax intaa ka sii yar ama ka sii weyn, intuba waxay ku yaallaan Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).
6. Kuwa la siiyey cilmiga waxay arkaan in Waxyiga lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa uu yahay Xaq, wax ku hanuuniya Jidka (Alle) Adkaadaha Sare, Ammaanan.