3. Mise waxay leeyihiin waa uu been abuurtay? Mayee! Waa Xaq ka yimid Rabbigaa, si aad ugu digtid qolo aanu dige u iman hortaa adiga (Nabi Muxammadow) si ay u hanuunaan.
4. Alle waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix Maalmood, markaas dul ahaaday Carshiga2. Ma lihidin Alle sokadi wax gargaare ah ama Shafeece. Ee miyeydaan waansameyn?
2. Istawaa waa ka kor ahaansho Carshiga, waana tilmaan waajib ah in la rumeeyo si ku habboon Weynida iyo Heybadda Alle iyo Awooddiisa.
5. Wuxuu (Alle) agaasimaa arrinka ka jira samada ilaa arlada, markaasuu arrinka Xaggiisa kor u aadaa Maalin qaddarkeedu yahay kun sano waxaad tirsataan ah3.
3. Waa arrinka ay soo qaadaan malaa’igta. Aayaddan waxay muujineysaa awoodda Alle iyo Weynidiisa.