15. Dheh: Ma idiin sheegaa waxa ka fiican waxyaalahani? Waxay leeyhiin kuwa Alle ka cabsada ee iska jira (xumaha) - beero Rabbigood agtiis ah ay hoostoodu qulqulaan webiyo, iyagoo ku dhex waaraya weligood, iyo xaasas daahir ah iyo raalli ahaansho xag Alle ah. Alle wuu Arkaa Addoomihiisa.