47. Waxay tidhi: Rabbiyow! Sidee baan u lahaan wiil (ii dhasha) isagoo aanu nin i taaban? (Malaggii) wuxuu yidhi: Sidaasuu Alle u abuuraa wuxuu doono. Markuu arrin gooyo wuxuu uun ku yidhaahdaa Ahow, waana yahay.
50. Waxaana rumeyn wixii iga horreeyey ee Towraadda ah, iyo inaan idiin xalaaleeyo qaar ka mid ah waxa la idinka xaaraameeyey. Waxaan idiin la imid calaamo xagga Rabbigiin ah. Ee dhowra (xilkuu idin saaray) Alle oo i Adeeca.