71. Dheh: bal ka warrama, hadduu Alle ka yeelo habeenka joogto tan iyo maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Alle oo idiin keeni kara iftiin, miyeydaan wax maqleyn?.
72. Dheh: Bal ka warrama, hadduu Alle ka yeelo dharaarta joogto tan iyo Maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Alle oo idiin keeni kara habeen aad ku xasishaan, mawaydaan wax arkayn?
76. Qaaruun wuxuu ka mid ahaa qolodii Muuse, wuuse ka fallaagoobay, waxaana ka siinnay kaydadka (maalka) wax aad u tiro badan heer furayaashoodu cusleyneysay jirka rag xoog leh. Markay qolodiisii ku yidhaahdeen: Ha farax taraarin (kibrin), Alle ma jecla kuwa farxa (kibree).
77. Oo ku doono waxa (khayr ah) uu Alle ku siiyey Daarta Aakhiro, hana halmaamin qaybtaada ah adduunka, oo sama fal sida uuba Alle kuugu sama falay, hana la doonin fasahaad arlada. Alle ma jecla kuwa wax fasaadiya (halleeya).