59. Waxna nooma diidin inaan soo dirno calaamooyin aan ahayn inay dadkii hore beeniyeen. Waxaana siinnay Thamuud hal - calaamad muuqata ah, wayse ku dulmi faleen. Uma aanu soo dirno calaamooyinka waxaan aheyn cabsi gelin.
61. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda (rukuuca) Aadam (salaan ahaan), markaasay u sujuudeen Ibliis maahee (ma uu yeelin). Wuxuu yidhi: Ma waxaan u sujuudaa mid aad ka abuurtay dhoobo?.
62. (Ibliis) wuxuu yiri: Bal ka warran, kan aad iga sharaftay, haddaad dib ii dhigto ( dhimashadeyda) ilaa Maalinta Qiyaama- ha, waxaan bishin tuuri oo ku xiri dacay aan ku hoggaamiyo (waana ka adkaan oo dhumin) ubadkiisa dhammaan wax yar ma’ahee.
64. Ku duufsona waxooda aad karto oo ka mid ah codkaaga (hees, durbaan, kaman, qalab muusikeed la afuufo, iyo xumo ugu yeedhid kasta), oo u soo kulmi ciidamma- daada iyagoo gaadiid wata iyo iyagoo lug ku socdaba, oo la wadaag maalka (adigoo ka yeelaya inay xaaraan ku shaqeystaan) iyo awlaadda (adigoo u qurxinaya zinada iyo macsida si uu u bato fasaadka), una yabooh (ballamo been ah), umase yabooho shaydaanku waxaan dhagar aheyn.