1. Haweentii doodaysey ama dalbeysey gargaarka.
2. Haweeney la yidhaahdo Khawlah binti Thaclabah a.k.r. baa waxaa habkan isaga xaaraantinimeeyey ninkeeda Aws bin As-Saamit, isagoo ku yidhi xaaskiisa, "hooyaday baad iga tahay". Markaasay waxay u timid Nabiga s.c.w. iyadoo wax ka weydiinaysa mas’aladan, markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan iyo Aayadda xigta.
3. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 4: Aayadda 92.
4. Waa inuu og yahay oo ka war qabo xaalkooda iyo sirahooda oo maqlo oo arko oo awood ku dul leeyahay, laakiinse Alle cirkuu jiraa Carshigiisuu dul ahaaday si u qalanta Weynidiisa.
5. Waa tilmaan xaalkii Yuhuudda wax ka degganeyd Madiina ee ku salaamay muslimiinta As-Saamu Calaykum oo macnaheedu yahay dhinta halkii ay odhan lahaayeen As-salaamu caleykum.
6. Waxaa loola jeedaa sida muuqata hadalka xanta ah iyo xumaan ku tashiga.
7. Alle ha idiin waasiciyee Naxariistiisa ama Jannadiisa gudaheed, ama wax kasta oo wanaagsan.
8. U kaca salaad ama jihaad ama camal kasta oo wanaagsan.
9. Waxay moodayaan in beenahooda la rumeysan, oo aan la garan doonin sida waagii nolosha adduunka.
10. Ruux ay ku helayaan nolol, waxaana loola jeedaa go’aan adeygga, quwadda gudaha, daahirsanaanta qalbiga, hanuunka, guul, iwm.