《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜

external-link copy
46 : 30

وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦٓ أَن يُرۡسِلَ ٱلرِّيَاحَ مُبَشِّرَٰتٖ وَلِيُذِيقَكُم مِّن رَّحۡمَتِهِۦ وَلِتَجۡرِيَ ٱلۡفُلۡكُ بِأَمۡرِهِۦ وَلِتَبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِهِۦ وَلَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ

46. Waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Alle ee muujinaya Weynidiisa) inuu soo diro dabeylaha iyagoo ku bishaareyn (roob) iyo inuu idin dhadhansiiyo wax ka mid ah Naxariistiisa iyo in doomuhu ku socdaan Amarkiisa oo aad dalabtaan Deeqdiisa, markaas aad Alle ku mahdisaan. info
التفاسير: