14. Ku dhufashada badda usha, eeg Suuradda Ash-Shucaraa: Aayadda 63. Haleel macnaha inuu ku soo gaaro Fircoon.
15. Ma daboolin oo qaadin biyo oo keliya, balse waxaa daboolay oo wada qaatay waxaa daboolay uu Alle Keliya Ogsoon yahay sida argagax, xanuun, qoomamo, cadaab, iwm.
16. La jirka Nabigiin si uu idiinku soo qaado Kitaabka Towreedda.
17. Waxaa horay loo amray inay soo qaataan waxyaalihii ay isku qurxin jireen dadkii Masar ee dahabka ahaa, markaasuu wuxuu amray Saamiri inay ku tuuraan dahabkaa dab si ay uga sameeyaan sanam leh muuqaal dibi oo kale, markaasay dabkii ku tuureen, Saamirina ku tuuray sidoo kale iyo carro uu ka soo qaaday raadka faraskii Jabriil oo uu arkay, markaasaa waxaa ka soo baxay sanam muuqaal dibi leh ay ilmihii Israa’iil qaarkood caabudeen. Saamiri wuxuu ahaa munaafiq ku dhex jiray ilmihii Israa’iil oo u horseeday sanam caabudka.