Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob

external-link copy
72 : 3

وَقَالَت طَّآئِفَةٞ مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ ءَامِنُواْ بِٱلَّذِيٓ أُنزِلَ عَلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَجۡهَ ٱلنَّهَارِ وَٱكۡفُرُوٓاْ ءَاخِرَهُۥ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ

72. Koox ka mid ah ehlul- Kitaabka (Yuhuudda) waxay yidhaahdeen: Rumeeya waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah kuwa rumeeyey (Muslimiinta) gelinka hore ee maalinta, kuna gaalooba aakhirkeeda, bal inay ka soo noqdaan (diintooda)10. info

10. Xagga kuwa idin la diinta ah (Yuhuudda iyo Nasaarada) si ayan u gelin diinta islaamka, xagga muslmiintana horay idinla diinta ahaa si uu u daciifo iimaankooda oo ugu soo laabtaan gaalnimada.

التفاسير: