Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob

Numero ng Pahina:close

external-link copy
166 : 3

وَمَآ أَصَٰبَكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡتَقَى ٱلۡجَمۡعَانِ فَبِإِذۡنِ ٱللَّهِ وَلِيَعۡلَمَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

166. Waxa idinku dhacay maalintay labada col isku heleen (Uxud), waa Idanka Alle, iyo inuu muujiyo mu’miniinta. info
التفاسير:

external-link copy
167 : 3

وَلِيَعۡلَمَ ٱلَّذِينَ نَافَقُواْۚ وَقِيلَ لَهُمۡ تَعَالَوۡاْ قَٰتِلُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ أَوِ ٱدۡفَعُواْۖ قَالُواْ لَوۡ نَعۡلَمُ قِتَالٗا لَّٱتَّبَعۡنَٰكُمۡۗ هُمۡ لِلۡكُفۡرِ يَوۡمَئِذٍ أَقۡرَبُ مِنۡهُمۡ لِلۡإِيمَٰنِۚ يَقُولُونَ بِأَفۡوَٰهِهِم مَّا لَيۡسَ فِي قُلُوبِهِمۡۚ وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا يَكۡتُمُونَ

167. Iyo inuu muujiyo munaafiqiinta oo lagu yidhi: Kaalaya, U dagaallama Arrinka Alle amaba difaaca nafahiinna. Waxay yidhaahdeen: Haddaanu naqaan dagaal, waa idin raaci lahayn. Waxay ahaayeen maalintaas, kuwa uga dhow gaalnimo iimaanka. Waxay ka yidhaahdaan afafkooda waxaan ku jirin quluubtooda. Allena wuu Og yahay waxay qarin. info
التفاسير:

external-link copy
168 : 3

ٱلَّذِينَ قَالُواْ لِإِخۡوَٰنِهِمۡ وَقَعَدُواْ لَوۡ أَطَاعُونَا مَا قُتِلُواْۗ قُلۡ فَٱدۡرَءُواْ عَنۡ أَنفُسِكُمُ ٱلۡمَوۡتَ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

168. Kuwa ka yidhi walaalahood iyagoo iyagu dib jiray: Hadday na maqli lahaayeen lama dileen. Dheh: Ka dhawra nafahiinna dhimashada, haddaad run sheegaysaan. info
التفاسير:

external-link copy
169 : 3

وَلَا تَحۡسَبَنَّ ٱلَّذِينَ قُتِلُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ أَمۡوَٰتَۢاۚ بَلۡ أَحۡيَآءٌ عِندَ رَبِّهِمۡ يُرۡزَقُونَ

169. Ha moodina kuwa lagu dilay Arrinka Alle meyti, Mayee, way nool yihiin, oo Rabbigood agtiisa lagu arzaaqaa. info
التفاسير:

external-link copy
170 : 3

فَرِحِينَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦ وَيَسۡتَبۡشِرُونَ بِٱلَّذِينَ لَمۡ يَلۡحَقُواْ بِهِم مِّنۡ خَلۡفِهِمۡ أَلَّا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ

170. Iyagoo ku faraxsan waxa uu Alle ka siiyey Fadligiisa, oo u faraxsan dartood kuwa ay kaga soo tageen gadaashood, oo aan weli ku soo biirin36, inaanay cabsi ahaaneyn dushooda oo aanay murugoonayaan. info

36. Asxaabtooda nool ee weli u jihaadayey jidka Alle.

التفاسير:

external-link copy
171 : 3

۞ يَسۡتَبۡشِرُونَ بِنِعۡمَةٖ مِّنَ ٱللَّهِ وَفَضۡلٖ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجۡرَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

171. Waxay ku faraxsan yihiin Nicmad xag Alle ah iyo Deeqdiisa darteed, iyo inaanu Alle dayaceyn ajarka mu’miniinta. info
التفاسير:

external-link copy
172 : 3

ٱلَّذِينَ ٱسۡتَجَابُواْ لِلَّهِ وَٱلرَّسُولِ مِنۢ بَعۡدِ مَآ أَصَابَهُمُ ٱلۡقَرۡحُۚ لِلَّذِينَ أَحۡسَنُواْ مِنۡهُمۡ وَٱتَّقَوۡاْ أَجۡرٌ عَظِيمٌ

172. Kuwii (ku) ajiibay (Uxud) Alle iyo Rasuulka kaddib intuu soo gaaray dhaawacu; kuwooda ka mid ah ee sama falay oo amarka qaatay, waxay leeyihiin ajar weyn (Janno). info
التفاسير:

external-link copy
173 : 3

ٱلَّذِينَ قَالَ لَهُمُ ٱلنَّاسُ إِنَّ ٱلنَّاسَ قَدۡ جَمَعُواْ لَكُمۡ فَٱخۡشَوۡهُمۡ فَزَادَهُمۡ إِيمَٰنٗا وَقَالُواْ حَسۡبُنَا ٱللَّهُ وَنِعۡمَ ٱلۡوَكِيلُ

173. Kuwii ay dadku ku yidhaahdeen: Hubaal dadkii baa isu soo kiin biirsaday, ee ka baqa. Waxayse u kordhisay Iimaankoo- da, waxayna yidhaahdeen: Alle baa nagu filan, Isagaana u fiican wakiil. info
التفاسير: