Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob

Numero ng Pahina:close

external-link copy
90 : 23

بَلۡ أَتَيۡنَٰهُم بِٱلۡحَقِّ وَإِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ

90. Waxaanse u keennay Xaq, oo xaqiiq waana beenalayaal. info
التفاسير:

external-link copy
91 : 23

مَا ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ مِن وَلَدٖ وَمَا كَانَ مَعَهُۥ مِنۡ إِلَٰهٍۚ إِذٗا لَّذَهَبَ كُلُّ إِلَٰهِۭ بِمَا خَلَقَ وَلَعَلَا بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖۚ سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ

91. Alle ma yeelan wiil (ilmo), mana aha la jirkiis ilaah (kale) - markaas wuxuu la tagi lahaa ilaah walba wuxuu abuuray, oo qaarkood waxay ka adkaan lahaayeen qaar kale. Ka hufan Allaah (ceeb iyo nuqsaan oo dhan) waana ka Sarreeyaa waxyaalaha ay ku tilmaamayaan. info
التفاسير:

external-link copy
92 : 23

عَٰلِمِ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ فَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ

92. Waa ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqda! Wuu ka sarreeyaa waxay la wadaajiyaan (cibaadada). info
التفاسير:

external-link copy
93 : 23

قُل رَّبِّ إِمَّا تُرِيَنِّي مَا يُوعَدُونَ

93. Dheh: Rabbiyow! Haddaad i tuseyso waxa loogu gooddiyo (cadaabka). info
التفاسير:

external-link copy
94 : 23

رَبِّ فَلَا تَجۡعَلۡنِي فِي ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ

94. Rabbiyow! Ha iga mid yeelin qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.” info
التفاسير:

external-link copy
95 : 23

وَإِنَّا عَلَىٰٓ أَن نُّرِيَكَ مَا نَعِدُهُمۡ لَقَٰدِرُونَ

95. Annaguna inaan xaqiiqdii ku tusno waxaan ugu gooddinno waan Awoodnaa. info
التفاسير:

external-link copy
96 : 23

ٱدۡفَعۡ بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُ ٱلسَّيِّئَةَۚ نَحۡنُ أَعۡلَمُ بِمَا يَصِفُونَ

96. Ku tir xumaanta sida u wanaagsan, Annagaa Ogsoon waxay sheegayaan. info
التفاسير:

external-link copy
97 : 23

وَقُل رَّبِّ أَعُوذُ بِكَ مِنۡ هَمَزَٰتِ ٱلشَّيَٰطِينِ

97. Dheh: “Rabbiyow! Waxaan kaa magan gali waswaasinta shayaadiinta. info
التفاسير:

external-link copy
98 : 23

وَأَعُوذُ بِكَ رَبِّ أَن يَحۡضُرُونِ

98. Waxaana kaa magan gali Rabbiyow inay ii yimaadaan shayaadiintu. info
التفاسير:

external-link copy
99 : 23

حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءَ أَحَدَهُمُ ٱلۡمَوۡتُ قَالَ رَبِّ ٱرۡجِعُونِ

99. Ilaa markay geeridu u timaaddo midkood (gaalada), wuxuu yidhaahdaa; Rabbiyow! Dib ii celi (adduunkii). info
التفاسير:

external-link copy
100 : 23

لَعَلِّيٓ أَعۡمَلُ صَٰلِحٗا فِيمَا تَرَكۡتُۚ كَلَّآۚ إِنَّهَا كَلِمَةٌ هُوَ قَآئِلُهَاۖ وَمِن وَرَآئِهِم بَرۡزَخٌ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ

100. Si aan ugu falo wanaag waxaan ka soo tegay15. “May ma jirto! Waa uun kelmad uu isaga hadlo, waxaana horti ah Barzakh (xayir)16 aan furmeyn ilaa Maalinta la soo bixin doono (Qiyaamada). info

15. Waxaasi aan ka dan iyo muraad la’aaday.
16. Barzakh waa xaalka qofka uu ku sugnaan marka uu dhinto ilaa laga soo bixinayo, waana xaal iyo moos xir u dhexeeya adduunka iyo Aakhirada.

التفاسير:

external-link copy
101 : 23

فَإِذَا نُفِخَ فِي ٱلصُّورِ فَلَآ أَنسَابَ بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَئِذٖ وَلَا يَتَسَآءَلُونَ

101. Marka la afuufo buunka, ma jirto qaraabbannimo dhexdooda ah Maalintaas, waxnana isma warsadaan. info
التفاسير:

external-link copy
102 : 23

فَمَن ثَقُلَتۡ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ

102. Qofkay cuslaato miisaanka camalladiisa wanaagsan, kuwaa weeye kuwa ah liibaanayaasha. info
التفاسير:

external-link copy
103 : 23

وَمَنۡ خَفَّتۡ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ فِي جَهَنَّمَ خَٰلِدُونَ

103. Qofkayse fududaato miisaanka camalladiisa wanaagsan - kuwaa weeye kuwa khasaaray nafahooda, Jahannamayna ku dhex waadhi. info
التفاسير:

external-link copy
104 : 23

تَلۡفَحُ وُجُوهَهُمُ ٱلنَّارُ وَهُمۡ فِيهَا كَٰلِحُونَ

104. Naartu waxay diiran wajiyadooda, iyagoo kuduudsan oo faruuran17. info

17. Waxay noqon kuwo faruuran ilaa ilkuhu fool xumo muuqdaan.

التفاسير: