17. Wuxuu sidoo kale macnaha u dhici karaa: si ay markhaati iyo goob joog uga ahaadaan waxa lagu dhigo oo ciqaab ah.
18. Kaddib markay qirteen gefkoodii, waxaa galay kibir iyo cinaad markaasay haddana ka horyimaadeen oo is rogeen.
19. Dhulkaa waxaa loola jeedaa arlada Shaam (oo ah: Falastiin, Urdun, Suuriya, Lubnaan iyo dhulalka hareerahooda ah). Wuxuuna Alle ku barakeeyey inuu ka soo diray badi anbiyada dhulkaasi, iyo inay sidoo kale tahay dhul wanaagsan oo barako iyo khayr badan.