Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob

external-link copy
62 : 2

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَٱلَّذِينَ هَادُواْ وَٱلنَّصَٰرَىٰ وَٱلصَّٰبِـِٔينَ مَنۡ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَلَهُمۡ أَجۡرُهُمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ وَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ

62. Hubaal kuwa rumeeyey (ee ka mid ah ummaddan) iyo kuwii heystay Yuhuudiyada ama Nasaarada ama Saabbi’iinta (ka hor Nabi Muxammad s.c.w), kuwaa ka midka ah ee rumeeyay Alle iyo Maalinta dambe (Aakhiro) oo sama falay, waxay ka heli abaalkooda xagga Rabbigood, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan. info
التفاسير: