Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob

Numero ng Pahina:close

external-link copy
12 : 19

يَٰيَحۡيَىٰ خُذِ ٱلۡكِتَٰبَ بِقُوَّةٖۖ وَءَاتَيۡنَٰهُ ٱلۡحُكۡمَ صَبِيّٗا

12. (Alle Wuxuu yidhi): “Yaxyow! Ku qaado Kitaabka (Towraadda) go’aan adag.” Waxaanuna siinnay fahan iyo aqoon isagoo yar. info
التفاسير:

external-link copy
13 : 19

وَحَنَانٗا مِّن لَّدُنَّا وَزَكَوٰةٗۖ وَكَانَ تَقِيّٗا

13. iyo maxabbad Xaggayaga ah iyo daahir ahaansho, wuxuuna ahaa mid ka cabsada Alle oo ka dhowrsada xumaha. info
التفاسير:

external-link copy
14 : 19

وَبَرَّۢا بِوَٰلِدَيۡهِ وَلَمۡ يَكُن جَبَّارًا عَصِيّٗا

14. Baarri u ah labadiisa waalid, mana aheyn macangag, caasi ah madax adag. info
التفاسير:

external-link copy
15 : 19

وَسَلَٰمٌ عَلَيۡهِ يَوۡمَ وُلِدَ وَيَوۡمَ يَمُوتُ وَيَوۡمَ يُبۡعَثُ حَيّٗا

15. Nabad korkiisa ha ahaato maalintuu dhashay, iyo maalintuu dhiman iyo maalinta la soo bixin isagoo nool. info
التفاسير:

external-link copy
16 : 19

وَٱذۡكُرۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ مَرۡيَمَ إِذِ ٱنتَبَذَتۡ مِنۡ أَهۡلِهَا مَكَانٗا شَرۡقِيّٗا

16. Ku xusna Kitaabka Qur’aanka (qisadii) Maryam, markay uga fogaatay ehelkeeda meel dhanka bari ah (bariga Qudus). info
التفاسير:

external-link copy
17 : 19

فَٱتَّخَذَتۡ مِن دُونِهِمۡ حِجَابٗا فَأَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡهَا رُوحَنَا فَتَمَثَّلَ لَهَا بَشَرٗا سَوِيّٗا

17. Waxayna yeelatay daah (ay iskaga asturto); Markaas baan u soo dirnay Malaggayaga (Jabriil) oo isaga soo dhigay qof Aadmi ah oo dhan. info
التفاسير:

external-link copy
18 : 19

قَالَتۡ إِنِّيٓ أَعُوذُ بِٱلرَّحۡمَٰنِ مِنكَ إِن كُنتَ تَقِيّٗا

18. (Maryam) waxay tidhi: Anigu Waxaan kaa magan galay Naxariistaha (Alle, ee iga dheerow) haddaad tahay mid dhowrsada. info
التفاسير:

external-link copy
19 : 19

قَالَ إِنَّمَآ أَنَا۠ رَسُولُ رَبِّكِ لِأَهَبَ لَكِ غُلَٰمٗا زَكِيّٗا

19. (Malaggii) wuxuu yidhi: Anigu Waxaan ahay uun Rasuulka Rabbigaa si aan (kuu ogeysiiyo) siismada wiil daahir ah. info
التفاسير:

external-link copy
20 : 19

قَالَتۡ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي غُلَٰمٞ وَلَمۡ يَمۡسَسۡنِي بَشَرٞ وَلَمۡ أَكُ بَغِيّٗا

20. (Maryam) waxay tidhi: “Sidee baan u yeelan wiil, anigoo uusan nin i taaban, anna ma ahi mid xun (oo la tuhmo)?. info
التفاسير:

external-link copy
21 : 19

قَالَ كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِ هُوَ عَلَيَّ هَيِّنٞۖ وَلِنَجۡعَلَهُۥٓ ءَايَةٗ لِّلنَّاسِ وَرَحۡمَةٗ مِّنَّاۚ وَكَانَ أَمۡرٗا مَّقۡضِيّٗا

21. (Malaggii) wuxuu yidhi: “Waa sidaas, Rabbigaa Wuxuu leeyahay:” waa ii fududdahay, waxaana uga yeeli calaamad dadka iyo naxariiis Xaggayaga ah, waana arrin (horay) loo xukumay (gooyey). info
التفاسير:

external-link copy
22 : 19

۞ فَحَمَلَتۡهُ فَٱنتَبَذَتۡ بِهِۦ مَكَانٗا قَصِيّٗا

22. Markaasay uurkiisa qaadday, waxayna u fogaatay meel dheer (durugsan). info
التفاسير:

external-link copy
23 : 19

فَأَجَآءَهَا ٱلۡمَخَاضُ إِلَىٰ جِذۡعِ ٱلنَّخۡلَةِ قَالَتۡ يَٰلَيۡتَنِي مِتُّ قَبۡلَ هَٰذَا وَكُنتُ نَسۡيٗا مَّنسِيّٗا

23. Wuxuuna keenay xanuunkii foosha geed timir ah jiriddiisa. Waxay tidhi:“Alla haddaan dhiman lahaa waxaan ka hor, oo aan ahaan lahaa mid la halmaamo oo la waayo araggeeda”. info
التفاسير:

external-link copy
24 : 19

فَنَادَىٰهَا مِن تَحۡتِهَآ أَلَّا تَحۡزَنِي قَدۡ جَعَلَ رَبُّكِ تَحۡتَكِ سَرِيّٗا

24. Markaasuu uga dhawaaqay6 meel ka hooseysa: “Ha murugoon! Rabbigaa Wuxuu yeelay hoostaada biyo durdur ah. info

6. Waxaa jira kala duwanaan xagga aragtida ah in odhaahdaa: “Wuxuuse uga dhawaaqay meel ka hooseysa ” uu yidhi ilmaha ay dhashay (Ciise) ama malag Jabriil.

التفاسير:

external-link copy
25 : 19

وَهُزِّيٓ إِلَيۡكِ بِجِذۡعِ ٱلنَّخۡلَةِ تُسَٰقِطۡ عَلَيۡكِ رُطَبٗا جَنِيّٗا

25. Una soo rux-rux xaggaaga jirridda geedka timirta, wuxuu kuu soo daadin timir cusub oo bisil - info
التفاسير: