Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob

Numero ng Pahina:close

external-link copy
98 : 11

يَقۡدُمُ قَوۡمَهُۥ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فَأَوۡرَدَهُمُ ٱلنَّارَۖ وَبِئۡسَ ٱلۡوِرۡدُ ٱلۡمَوۡرُودُ

98. Wuxuu hor kici tolkiisa Maalinta Qiyaamaha, oo keeni hoos xagga Naarta, xumaa halka la keenayo. info
التفاسير:

external-link copy
99 : 11

وَأُتۡبِعُواْ فِي هَٰذِهِۦ لَعۡنَةٗ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ بِئۡسَ ٱلرِّفۡدُ ٱلۡمَرۡفُودُ

99. Waxaana lagu raacshay Nacalad (duni) tani gudaheeda iyo Maalinta Qiyaamaha24, xumaa waxa loo kordhin (oo Cadho Alle iyo Cadaab ah). info

24. Waa lacnad ku raaceysa adduun iyo aakhiro labada daaroodba.

التفاسير:

external-link copy
100 : 11

ذَٰلِكَ مِنۡ أَنۢبَآءِ ٱلۡقُرَىٰ نَقُصُّهُۥ عَلَيۡكَۖ مِنۡهَا قَآئِمٞ وَحَصِيدٞ

100. Arrinkani waa warkii (aayihii) magaalooyinka aan kaaga qisoonno (Nabiyow); waxaa ka mid ah kuwo taagan iyo kuwo (kale) oo la halaagay. info
التفاسير:

external-link copy
101 : 11

وَمَا ظَلَمۡنَٰهُمۡ وَلَٰكِن ظَلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡۖ فَمَآ أَغۡنَتۡ عَنۡهُمۡ ءَالِهَتُهُمُ ٱلَّتِي يَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مِن شَيۡءٖ لَّمَّا جَآءَ أَمۡرُ رَبِّكَۖ وَمَا زَادُوهُمۡ غَيۡرَ تَتۡبِيبٖ

101. Oo ma aanu dulmiyin, iyagaase dulmiyey nafahooda. Waxna uma tarin ilaahyadoodii Alle sokadi ay baryi (caabudi) jireen, markuu yimid Amarka Rabbigaa, umana ay kordhin waxaan aheyn baabbba’. info
التفاسير:

external-link copy
102 : 11

وَكَذَٰلِكَ أَخۡذُ رَبِّكَ إِذَآ أَخَذَ ٱلۡقُرَىٰ وَهِيَ ظَٰلِمَةٌۚ إِنَّ أَخۡذَهُۥٓ أَلِيمٞ شَدِيدٌ

102. Waa sidaasna qabashada Rabbigaa markuu qabto magaalooyinka iyagoo gar diid ah dulmi fali, hubaal, Qabashadiisu waa mid xanuun badan oo daran. info
التفاسير:

external-link copy
103 : 11

إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّمَنۡ خَافَ عَذَابَ ٱلۡأٓخِرَةِۚ ذَٰلِكَ يَوۡمٞ مَّجۡمُوعٞ لَّهُ ٱلنَّاسُ وَذَٰلِكَ يَوۡمٞ مَّشۡهُودٞ

103. Waxaa arrinkani ugu sugan calaamad ciddii ka cabsan Cadaabka Aakhirada, kani waa Maalin dadka la soo kulmin iyagoo dhan, waana Maalin goob joog la ahaan. info
التفاسير:

external-link copy
104 : 11

وَمَا نُؤَخِّرُهُۥٓ إِلَّا لِأَجَلٖ مَّعۡدُودٖ

104. Uma dib dhignona waxaan ahayn muddo tirsan oo hore loo gooyey. info
التفاسير:

external-link copy
105 : 11

يَوۡمَ يَأۡتِ لَا تَكَلَّمُ نَفۡسٌ إِلَّا بِإِذۡنِهِۦۚ فَمِنۡهُمۡ شَقِيّٞ وَسَعِيدٞ

105. Maalintay iman, nafna ma hadleyso Idankiisa la’aanti, markaasi waxaa ka mid ahaan kuwo xun oo khasaaray iyo (kuwo) liibaanay. info
التفاسير:

external-link copy
106 : 11

فَأَمَّا ٱلَّذِينَ شَقُواْ فَفِي ٱلنَّارِ لَهُمۡ فِيهَا زَفِيرٞ وَشَهِيقٌ

106. Kuwa hoogay waxay ku sugnaan Naar; waxay ku leeyihiin dhexdeeda cartan iyo hiinraag25. info

25. Hiinbaxa iyo hiinraaggooda oo u eg cida dameerka.

التفاسير:

external-link copy
107 : 11

خَٰلِدِينَ فِيهَا مَا دَامَتِ ٱلسَّمَٰوَٰتُ وَٱلۡأَرۡضُ إِلَّا مَا شَآءَ رَبُّكَۚ إِنَّ رَبَّكَ فَعَّالٞ لِّمَا يُرِيدُ

107. Iyagoo ku waari dhexdeeda intay jiraan samooyinka iyo arladu, wuxuu Rabbigaa doono maahee26. hubaal, Rabbigaa waa falaha wuxuu doono. info

26. Macnahu wuxuu u dhacayaa inay gaaladu ku waari doonaan Naarta abadkood, halka muslimiinta caasiyaasha ah laga soo saari doono Naarta marka laga gooyo waxay denbi galeen. Aakhirana waxaa jira samo iyo arlo ku gaar ah oo ka duwan samooyinka iyo arlada adduunkan.

التفاسير:

external-link copy
108 : 11

۞ وَأَمَّا ٱلَّذِينَ سُعِدُواْ فَفِي ٱلۡجَنَّةِ خَٰلِدِينَ فِيهَا مَا دَامَتِ ٱلسَّمَٰوَٰتُ وَٱلۡأَرۡضُ إِلَّا مَا شَآءَ رَبُّكَۖ عَطَآءً غَيۡرَ مَجۡذُوذٖ

108. Kuwase liibaanay ee farxaddu u ahaatay, waxay ku sugnaan Jannada gudaheeda, iyagoo ku dhex waaraya intay jiraan samooyinka iyo arlada, wuxuu Rabbigaa doono ma’ahee, waa deeq aan go’eyn oo daa'in ah. info
التفاسير: