పవిత్ర ఖురాన్ యొక్క భావార్థాల అనువాదం - సోమాలి అనువాదం - అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖుబ్

పేజీ నెంబరు:close

external-link copy
71 : 36

أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا خَلَقۡنَا لَهُم مِّمَّا عَمِلَتۡ أَيۡدِينَآ أَنۡعَٰمٗا فَهُمۡ لَهَا مَٰلِكُونَ

71. Miyeyna arkaynin inaan u abuurnay xoolo ka mid ah waxay Gacmahayagu sameeyeen, ay iyagu hantaan oo leeyihiin? info
التفاسير:

external-link copy
72 : 36

وَذَلَّلۡنَٰهَا لَهُمۡ فَمِنۡهَا رَكُوبُهُمۡ وَمِنۡهَا يَأۡكُلُونَ

72. Oo aan u laylinnay, sidaa awgeed waxna way adeegsadaan rukuub ahaan, waxna wax ka cunaan. info
التفاسير:

external-link copy
73 : 36

وَلَهُمۡ فِيهَا مَنَٰفِعُ وَمَشَارِبُۚ أَفَلَا يَشۡكُرُونَ

73. Waxaana ugu sugan manaafacaad kale iyo cabbitaanno. Ee Miyayna mahadineyn (Alle)? info
التفاسير:

external-link copy
74 : 36

وَٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ ءَالِهَةٗ لَّعَلَّهُمۡ يُنصَرُونَ

74. Waxayse yeesheen Alle ka sokow ilaahyo kale inay u gargaaraan. info
التفاسير:

external-link copy
75 : 36

لَا يَسۡتَطِيعُونَ نَصۡرَهُمۡ وَهُمۡ لَهُمۡ جُندٞ مُّحۡضَرُونَ

75. Ma karaan inay u gargaaraan, oo iyaga (naf ahaantooda) baa u ah ciidan u soo gurmada14. info

14. Iyagoo ilaaliya oo dhowra ilaahyadooda beenta ah. Tafsiir kale waa inay ilaahyadaasi ahaan askar colkood ah iyaga Naarta gudaheeda.

التفاسير:

external-link copy
76 : 36

فَلَا يَحۡزُنكَ قَوۡلُهُمۡۘ إِنَّا نَعۡلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعۡلِنُونَ

76. Ee yuusan hadalkoodu ku murugo gelin, hubaal Waan ognahay waxay u falaan qarsoodiga iyo waxay caddaystaanba. info
التفاسير:

external-link copy
77 : 36

أَوَلَمۡ يَرَ ٱلۡإِنسَٰنُ أَنَّا خَلَقۡنَٰهُ مِن نُّطۡفَةٖ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٞ مُّبِينٞ

77. Miyuusan aadmigu arag inaan ka abuurnay mino-nool. Mise waa col iska cad oo dood badan15. info

15. Waa markuu kaaftoomo oo isku filnaado.

التفاسير:

external-link copy
78 : 36

وَضَرَبَ لَنَا مَثَلٗا وَنَسِيَ خَلۡقَهُۥۖ قَالَ مَن يُحۡيِ ٱلۡعِظَٰمَ وَهِيَ رَمِيمٞ

78. Wuxuu soo qaatay tusaale uu Annaga noola dan leeyahay, oo hilmaamay abuurkiisa. Wuxuu yidhi: Yaa nooleyn lafo baaliyoobay16? info

16. Isagoo isku dayaya inuu sugo inaanay jirin iska soo saarid qubuuraha.

التفاسير:

external-link copy
79 : 36

قُلۡ يُحۡيِيهَا ٱلَّذِيٓ أَنشَأَهَآ أَوَّلَ مَرَّةٖۖ وَهُوَ بِكُلِّ خَلۡقٍ عَلِيمٌ

79. Dheh: Waxaa nooleyn Kan ifka keenay kolkii horeba. (Allena) waa u Xog ogaal uunka oo idil. info
التفاسير:

external-link copy
80 : 36

ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلشَّجَرِ ٱلۡأَخۡضَرِ نَارٗا فَإِذَآ أَنتُم مِّنۡهُ تُوقِدُونَ

80. (Alle waa) Kan idiinka yeelay geedka cagaaran dab oo markaas aad hursataan. info
التفاسير:

external-link copy
81 : 36

أَوَلَيۡسَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يَخۡلُقَ مِثۡلَهُمۚ بَلَىٰ وَهُوَ ٱلۡخَلَّٰقُ ٱلۡعَلِيمُ

81. Miyuusan (Alle ee ah) Kan abuuray samooyinka iyo arlada awoodin inuu abuuro iyagoo kale17? Haaheey, Waana Abuuraha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah. info

17. Soo nooleeyo aadmiga oo dib u abuuro.

التفاسير:

external-link copy
82 : 36

إِنَّمَآ أَمۡرُهُۥٓ إِذَآ أَرَادَ شَيۡـًٔا أَن يَقُولَ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ

82. Amarkiisu markuu doono wax uun, waa inuu keliya ku yidhaahdo: Ahaw, waana yahay. info
التفاسير:

external-link copy
83 : 36

فَسُبۡحَٰنَ ٱلَّذِي بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيۡءٖ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ

83. Ee xurmo oo dhan waxaa iska leh oo (xumaan ka) hufan (Alle) ay Gacantiisu ku jiraan Mulkiga (iyo Maamulka) wax kasta, Xaggiisaana dib la idiinku soo celin18. info

18. Maalinta uu Alle u kala garsoori doono addoomahiisa oo abaal marin.

التفاسير: