పవిత్ర ఖురాన్ యొక్క భావార్థాల అనువాదం - సోమాలి అనువాదం - అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖుబ్

Daa'ha

external-link copy
1 : 20

طه

1. Daa Haa1. info

1. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqara: Aayadda 1.

التفاسير:

external-link copy
2 : 20

مَآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡقُرۡءَانَ لِتَشۡقَىٰٓ

2. Kuuguma aanu soo dejin (Nabiyow) Qur’aanka (inaad naftaada ku halaagto) murugo (inaysan rumayn Xaqa darteed). info
التفاسير:

external-link copy
3 : 20

إِلَّا تَذۡكِرَةٗ لِّمَن يَخۡشَىٰ

3. Waase u waano ciddii ka baqda (Alle)2. info

2. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “ Qofkuu Alle la doono khayr wuxuu fahansiiyaa diinta”. W.w. Al-Bukhaari.

التفاسير:

external-link copy
4 : 20

تَنزِيلٗا مِّمَّنۡ خَلَقَ ٱلۡأَرۡضَ وَٱلسَّمَٰوَٰتِ ٱلۡعُلَى

4.Waa soo dejinta (Alle) ee abuuray arlada iyo samooyinka sare. info
التفاسير:

external-link copy
5 : 20

ٱلرَّحۡمَٰنُ عَلَى ٱلۡعَرۡشِ ٱسۡتَوَىٰ

5. Raxmaanku (Allaah) wuxuu kor ahaaday) Carshigiisa dushiisha (si u qalanta Weynidiisa). info
التفاسير:

external-link copy
6 : 20

لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا وَمَا تَحۡتَ ٱلثَّرَىٰ

6. Isagaa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada iyo waxa u dhexeeya iyo waxa ka hooseeyaba rayska. info
التفاسير:

external-link copy
7 : 20

وَإِن تَجۡهَرۡ بِٱلۡقَوۡلِ فَإِنَّهُۥ يَعۡلَمُ ٱلسِّرَّ وَأَخۡفَى

7. Haddaad kor codka ugu qaaddo hadalka, hubaal, Alle Wuu ogsoon yahay sirta iyo waxa weliba ka sii qarsoonaan badan. info
التفاسير:

external-link copy
8 : 20

ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ لَهُ ٱلۡأَسۡمَآءُ ٱلۡحُسۡنَىٰ

8. Allaah! Ma jiro ilaah (xaq ah) aan Isaga aheyn, Wuxuu leeyahay Magacyada Wanaagga iyo Quruxda Badan. info
التفاسير:

external-link copy
9 : 20

وَهَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ

9. Ma ku soo gaadhay qisadii Muuse? info
التفاسير:

external-link copy
10 : 20

إِذۡ رَءَا نَارٗا فَقَالَ لِأَهۡلِهِ ٱمۡكُثُوٓاْ إِنِّيٓ ءَانَسۡتُ نَارٗا لَّعَلِّيٓ ءَاتِيكُم مِّنۡهَا بِقَبَسٍ أَوۡ أَجِدُ عَلَى ٱلنَّارِ هُدٗى

10. Markuu arkay dab, oo ku yidhi reerkiisii: "Jooga halkan! Waxaan arkaa dab. Waa intaasoo aan idiinka keeno dhimbil aad kulaalsataan, ama aan ka helo dabka cid ii i tusisa (waddada Masar)". info
التفاسير:

external-link copy
11 : 20

فَلَمَّآ أَتَىٰهَا نُودِيَ يَٰمُوسَىٰٓ

11. Markuu yimid meeshuu ka ifiyey dabka, waa loo yeedhay: Muusow! info
التفاسير:

external-link copy
12 : 20

إِنِّيٓ أَنَا۠ رَبُّكَ فَٱخۡلَعۡ نَعۡلَيۡكَ إِنَّكَ بِٱلۡوَادِ ٱلۡمُقَدَّسِ طُوٗى

12. Anigu waxaan ahay Rabbigaa! Ee iska siib kabahaaga, waxaad joogtaa togga daahirka ah ee Duwaa. info
التفاسير: