அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப்

பக்க எண்:close

external-link copy
31 : 78

إِنَّ لِلۡمُتَّقِينَ مَفَازًا

31. Kuwa Alle ka cabsada ee (ka) dhowrsada (xumaha) waxay leeyihiin meel lagu liibaano (Janno). info
التفاسير:

external-link copy
32 : 78

حَدَآئِقَ وَأَعۡنَٰبٗا

32. Beero iyo canabyo. info
التفاسير:

external-link copy
33 : 78

وَكَوَاعِبَ أَتۡرَابٗا

33. Iyo gashaantiyo da' yar oo isla eg. info
التفاسير:

external-link copy
34 : 78

وَكَأۡسٗا دِهَاقٗا

34.Iyo galaas buuxa (oo khamri saafi ah). info
التفاسير:

external-link copy
35 : 78

لَّا يَسۡمَعُونَ فِيهَا لَغۡوٗا وَلَا كِذَّٰبٗا

35.Kuma maqlayaan (Jannada) gudaheeda hadal macno darro ah ama wax been ah. info
التفاسير:

external-link copy
36 : 78

جَزَآءٗ مِّن رَّبِّكَ عَطَآءً حِسَابٗا

36. Abaal marin xagga Rabbigaa; deeq (daa'in ah badan) oo ku filan. info
التفاسير:

external-link copy
37 : 78

رَّبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا ٱلرَّحۡمَٰنِۖ لَا يَمۡلِكُونَ مِنۡهُ خِطَابٗا

37. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, Allaah - Raxmaanka, ma jiro wax ku soo celin karaa hadal (Qiyaamada). info
التفاسير:

external-link copy
38 : 78

يَوۡمَ يَقُومُ ٱلرُّوحُ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ صَفّٗاۖ لَّا يَتَكَلَّمُونَ إِلَّا مَنۡ أَذِنَ لَهُ ٱلرَّحۡمَٰنُ وَقَالَ صَوَابٗا

38. Maalinka uu Ruuxu iyo malaa’igtu ay u istaagi saf saf, ma jiro wax hadli, mid maahee Allaah - Raxmaanku u idmo, oo ku hadla hadal toosan oo abbaar ah. info
التفاسير:

external-link copy
39 : 78

ذَٰلِكَ ٱلۡيَوۡمُ ٱلۡحَقُّۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ مَـَٔابًا

39. Kaasi waa Maalinka la hubo ee xaqa ah, ee qofkii doona, ha u maro Rabbigi jid toos ah uu ugula laabto (caqiido sax ah iyo camallo san). info
التفاسير:

external-link copy
40 : 78

إِنَّآ أَنذَرۡنَٰكُمۡ عَذَابٗا قَرِيبٗا يَوۡمَ يَنظُرُ ٱلۡمَرۡءُ مَا قَدَّمَتۡ يَدَاهُ وَيَقُولُ ٱلۡكَافِرُ يَٰلَيۡتَنِي كُنتُ تُرَٰبَۢا

40. Waxaanu idiinka dignay cadaab dhow - Maalinka uu qofku arki waxay gacmihiisu hormarsadeen (oo khayr ah ama shar), oo gaalku odhan:Hoogaye! Maan ciid ahaado. info
التفاسير: